Hal Isbuuc Isku Naaxi (Cayili)



     Celcelis ahaan waxa qofka u kordha sannadkiiba hal ama laba pound oo u dhiganta hal kilogram oo dhinaca miisaanka ah.

In kasta oo ay u muuqato number yar, haddana waxay la mid tahay in 10 kii sannaba ay noqon karo 4-9 kilogram.

Cunitaan caafimaad leh, iyo jimicsi joogta ah, waxay ka caaawinayaam inay ka hortagaan koritaanka miiskanka aan loo baahnayn.

Waxaana jira waxyaabo yar-yar oo miisaanka qofka haddana sare u qaadi kara.
Nasiib wanaag, waa inaad xadidaa oo aad badeshaa habdhaqankaaka hanaanka aad wax u cunto maanta.

Waxaynu Soo gudbin doonaa, siyaabaha, miisaankaaga aad u kordhin kartid ee ugu sahlan.
Balse Ka Hor



Related image


1-          Dedeji Cunista

Dedejinta cunista ayaa laga yaabaa inay sare u qaado in miisaaku kordho.

Daraasado la sameeyey ayaa la arkay dadka wax u cuna sida degdega ah, inay noqdaan kuwo miisaankoodu uu bato iyo sare u kac ku yimaada heerkooda oo cayila/buurnaada.

Maxaa yeelay qaadasha wakhti xilliga cuntada waxa jidhka binaadamku, maskada u sheegtaa inay buuxdo ama dheragtay.

Sidoo kale, dadka deg dega wax u cuna waxay si sahlan u qaataan xadi badan oo cunta ah kana taas oo baahidooda ka baxsan, ka hor inta aanay dareemin wax dheraga.

Haddaad tahay dadka deg dega wax u cuna isku day inaad calaaliska yareyso iyo weliba weelka aad wax ku cunto.

2-          Biyo Yar Cab

Waxa hubaal ah cabitaanka biyo yar ay kaa dhigayso qof haraadan.
Waa mid xiiso leh, haraadku waa khalad waana calaamad gaajo ama cunto rabid jidhku tabayo.

Cilmibaadhis ayaa lagu ogaaday dadka caba laba koob oo biyo ah quraacda ka hor 22% oo kaalori ah ka ayaa ka maqan, marka loo eego dadka aan iyagu cabin biyaha.

Hagaag, biyaha cad wax kaalori ah kuma jiro.

Baadhitaano kale ayaa lagu xaqiijiyey ku bedelida sharaabada/cabitaanada sonkorta leh biyaha laga yaabo inay hoos u dhigto 200 kaaloriga lumaaya maalin kasta.

3-          Bulshaawi Noqo

Qodob saameytiisa leh, inaad noqoto qof bulshada la nool waa mihiim, waxay joogtaysaa farxada nolosha isuna dheeli tirtaa.
Si kastaba, ku milmida bulshada ee dheeriga ah laga yaabaa inay sameyso cayil/buurni.

Xaaladaha bulshada eek u taxaluqa la noolaanshaha bulshada, ayaa si fudud ugu dari karta cuntadaada kaalori dheeraad ah oo aan loo baahnayn waana meelaha miisaankaagu uu ka kordhi karo.

Baadhitaano la qaaday ayaa lagu arkay dadka wax la cuna dadka kale miisaankoodu uu siyaado.

Tusaale ahaan, saaxiibada cuna xadi badan oo cunta ah.

4-          Wakhti Badan Fadhi

In kasta oo ay u muuqato mid waxyeeladeeda leh, cilmibaadhisyo ayaa muujiyey dadka fadhiya wakhti dheer laga yaabo inay noqdaan kuwo miisaankoodu uu kordho si xad-dhaaf ah.

Waxaana laga yaabaa in halis heerkeedu sareeyo ay ku keeni karto sida xanuunada wakhtiga dheer qaata iyo dhimasho xilli hore ah.

5-          Ha Seexan In Kugu Filan

In Ka badan 3 meelood dadka dunidu ma seexdaan hurdo ku filan.
Nasiib daro hurdo la’aanta waxa aad loola xidhiidhiyaa miisaan korodhka.
  
Cilmibaadhis la qaaday ayaa lagu ogaaday dadka seexda hurdo ku filan miisaankoodu aanu kordhin, waxaana ka qeyb gelay 68,000 oo haween ah, da’dooduna ay ka sareyso 16 sanno.

Draasada ayaa lagu soo gab-gabeeye, dadka seexda 5 saacadood habeenkii uu kordho miisaanka jidhkoodu, halka kuwa seexda 7 saacadood iyo in kabadn,  aanay wax miisan ahi u kordhin.

Balse dhinaca kale hurdo yaridu waxay keeeni kartaa xaydha fuusha caloosha, ta maqaarka ka hoosaysa, iyo cudurda sida maacaanka noociisa labaad.

6-          Wakhti Nasasho Ha Qaadan

In kasta oo aanay waangsanayn nasasho la’aantu, qofkana ay ku keeni karto wer-wer iyo inuu miisaankiisu kordho.

Daraasado ayaa hoosta ka xariiqay wer-werku inuu xidhiidh la leeyahay buurnida/cayilka.

7-          Telefishanka Ku Hor Cuntee

Dadka caadiyan wax cuna xilliga daawashad Tvga, internetka ama wax akhrinta., waxay sabab u noqdaan cunitaanka xadi badan oo cunto ah.

In ka badan 24 daraasadood ayaa arintan muujisay oo lagu sameeyey dadka aan diirada saarin waxa ay cunaayaan.
Xilliga aad wax cunaysid waa inaad ka meesha ka saarto waxyaabaha maskaxdaada mashquulka geliya.

Tana waxa loo yaqaana maskadii soo jeeday, waxaanay kaa caawinaysaa inaad wax badan cuntid si raaxo leh, iyo maskax khibrad leh.

8-          Booratiin Yar

Ka maqnaanshiyaha booratiinka  cuntadaada, waxa uu kaa dhigayaa qof cayilan/buuran.

Waa mid mihiim ah nafaqo leh, kaana caawinaya inaad dareento dhereg wakhti dheer, iyo inaad qaadato cunto badan.

Cilmi-baadhisyo, ayaa ina tusaya qaadashada xadi badan oo booratiin ah ay sare u qaado habka cunto burburta iyo  xajmiga muruqyada.

9-          Yaree Cuntada Fiberta Leh

Fayber la’aanta cuntadaadu, waxay kaa sabab u noqon kartaa, korodh ku yimada miisaankaaga ama inaad cayisho.

Maxaa yeelay faybertu waxay ianag caawisaa, amateedka iyo inaynu dhereg dareeno wakhti dheer.

Qaadashada 14 gram oo fayber ah maalin kasta, waxay hoos u dhigtaa 10% kiiba kaaloriga aynu qaadano, sida lagu iftiimiyey daraasad la qaaday.

Tanina waxay kuu hor kici kartaa lumitaanka 2 kilo gram bil kasta oo miisanka ah.

10-      Shaaha/Kafeyga Caanaha Leh

In Ka badan 60% dadka dunidu waxay cabaan shah/kafey maalin kasta.

Cabitaankan loogu aqoon badan yahay maaha oo keliya tamarta laga helo,  balse waxa kale oo laga helaa antioxidants iyo nafaqeeyaal faa’ido leh.

Si kastaba, ha ahaatee, waxa ku jira sonkor iyo caano, inkasta oo aanay caafimaadka u wanaagsanayn qaarkood haddana waxay kordhiyaan miisaanka.


   ©Copyright Daryeel-Caafimaad.com


No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo