Maxaa sababa maqaarka saliidda leh?


     

Maqaarka
U fiirso in maqaarkaagu uu iftiiminayo wax yar oo dheeri ah? Xaqiiqdu waxay tahay, qof walba maqaarkiisu inuu saliid leeyahay. Mid kasta oo ka mid ah daloolada dubka/maqaarka, waxaa ku jira qandho kala duwan oo soo saara saliidaha dabiiciga ah ee loo yaqaan 'sebum'.
Tani waxay kaa caawineysaa inay ka hortagto qaleylka maqaarka iyo sare u qaado caafimaadkiisa.

Hase yeeshee Dadka qaarkood, qanjidhada maqaarku waxay soo saari karaan saliid aad u badan. Tan, ayaa abuurta maqaarka saliid leh.

Waad ogtahay inaad leedahay maqaar saliid leh haddii maqaarkaagu had iyo goor uu ka muuqdo dhalaal. Maqaarka saliida leh xitaa wuxuu dareemi karaa qofku dufan saacado gudahood marka la nadiifiyo.

Sababaha keena maqaarka saliidda leh, waxaa ka mid ah hidda-sidaha, deegaanka, iyo qaab nololeedka qofka.

Hadaba, halkan waxaynu ku soo gudbin doona, siyaabaha maqaarka saliida/ dufanka leh loo xalin karo oo ku salaysan daraasado la qaaday.

1. Hidaha

Maqaarka saliida leh ayaa ku badan qoysaska qaarkood.
Haddii mid ka mid ah waalidiintu ay leeyihiin saliidda maqaarka , waxaa suuragal ah in ubadkooduna ay yeeshaan qanjidhada saliida kuwaas oo si aad u daran ama xad-dhaaf ah, u soo saara, saliida maqaarka. Waana mid uu sabab u yahay hide-siduhu.

2. Da’da

In kasta oo aanay mid qasaba ah maqaarkuwux u soo saara dufan, maqaarkaagu run ahaantii, wuxuu soo saari doonaa sebum ka yar intii hore mar kasta oo da’da qofku ay korodho.
Maqaarku xilliga  gabowga waxa uu lumiya borotiinka, sida collagen, qanjidhada saliidana shaqadoodu hoos ayey u dhacdaa.
Tani waa sababta dad badan oo da’da ah ay u yeeshaan  maqaar qallalan. Waxaana laan-laabma maqaarka, gaar ahaan wejiga.
Faa'iidooyinka maqaarka dufanka leh waa in aanay muuqan calaamadaha gabowga.

3. Deegaanka

In kasta oo hiddaha iyo da'da ay ka qeyb qaataan sababaha keena maqaarku inuu saliid yeesho, balse, meesha aad ku nooshahay iyo waqtiga ayaa sidoo kale isbadal kugu sameyn kara.
Dadku waxay u muuqdaan inay leeyihiin maqaar saliid leh xilliga cimiladu kulushay iyo weliba xilliga huurka.
In kasta oo aadan awoodi karin inaad iska qaado ama aad gebi ahaanba meesha ka saarto maqaarka saliida leh , haddana, waxaad hagaajin kartaa howlahaaga maalinlaha ah inta lagu guda jiro maalmaha kuleylka badan iyo huurka adoo adeegsanaya waxyaabaha dhididka yareeya, waa hab saliida wejiga loo yareyn karo.

4. Daloolada Maqaarka

Mararka qaar daloolada maqaarka ayaa fida mar kasta oo ay koradho da’du. Daloolada maqaarka ee waaweyn sidoo kale waxay u muuqdaan inay soo saaraan saliid badan.
Ma awoodi kartid inaad soo ururisid daloolada maqaarka, laakiin waxaad taxaddar dheeraad ah gelin inaad masaxdo meelaha wejigaaga ah ee ay saliidu  ku taalo maalinta oo dhan. Waana xal saliida maqaarka hoos loogu dhigi karo.

5. Isticmaalka Kiriimyo Khaldan

Maqaarka saliida leh ayaa sidoo kale laga qaadi karaa iyadoo la adeegsanayo kiriimyada maqaarka ee sida khaldan loo isticmaalo.
Dadka qaar waxay ku khaldaan xaladaha maqaarka sida maqaarka qalalan iyo maqaarka saliidda leh, waxayna isticmaalaan kareemo aad u culus, tusaale ahaan.
Adeegsiga badeecada daryeelka maqaarka ee saxda ah waxay ku sameyn kartaa farqi aad u weyn xaddiga saliidda ku hadha wajigaaga.

6. Daryeelka dheeriga ah

Dhinaca kale, weji maydhista ama wax ismarmarin badan sidoo kale maqaarkaaga waxay u samayn kartaa saliid.
Tani waxay sababi kartaa qanjidhada maqaarka ee saliida soo saara ee sebaceous glanka loo yaqaano, inay galaan xaalad deg-deg ah, waxay soo saaraan saliid badan si ay unugyadda maqaarka ay dib ugu dhisaan.
Waxaad u baahan tahay oo keliya inaad maydho maqaarkaaga laba jeer maalintii si aad saliidda xad-dhaafka ah u ilaalisid.

7. Dacarta
Dacarta/Aloe vera, waxay caan ku tahay gubashada iyo in lagu daweeyo xaaladaha kale ee maqaarka.
Sida laga soo xigtay daraasado Caafimaad, waxaa jira caddaymo ku salaysan oo xagga sayniska ah oo muujineysa inay ka caawineyso daaweynta maqaarka jajaban ama dildilaaca oo ay sababaan finanka iyo saliidda wejigu.
Dad badani waxay u isticmaalaan Dacrta, inay ku daaweeyaan maqaarka saliidda leh.

8- Malabka
Malabku, waa mid ka mid ah daawooyinka maqaarka ee aadka loo isticmaalo.
Wuxuu ka hortagaa bakteeriyada iyo jeermiska, waa mid faa'iido u weyn u leh  saliida iyo finanka nugul ee maqaarka. Malabku sidoo kale waa mid dabiiciya oo guriga lagu isticmaali karo.
Si aad u isticmaashid malab si aad u daaweyso finanka iyo saliidda maqaarka, mari xadi yar si qafiifa una daa illa 10 daqiiqo, intaa ka dib biyo diiran kaga maydh.

9- Wer-werka
Ma ogaatay in maqaarkaagu saliid leeyahay marka heerarka walaaca ama wer-werku uu kordho? Tan waxaa ugu wacan kororka 'Cortisol' - hoormoonka walaaca ee jirka, kaasoo dardar gelinaya soo saarka saliida maqaarka.
Waxaa talooyin caafimaad lagu soo jeediyey inaad yareyso heerka wer werka, si hoos loogu dhigo saliida badan ee wajiga.

10- Ukun cad iyo liin
Ukunta/beedka qeybta cad iyo liin dhanaanta ayaa ah dawayn wax ku ool u ah maqaarka saliid leh.
Labada maaddadoodba waxay si weyn wax uga taraan adkeynayta daloolada maqaarka.
Aashitada/aysiidha ku jirta liinta waxay gacan weyn ka geystaa ​​nuugista saliida maqaarka.
Sida lagu xusay daraasad la sameeyay sanadkii 2008, liinta ayaa sidoo kale leh awooda ay kaga hortaggi karto bakteeriyada.
 Si kastaba ha noqotee, daaweyntani maaha doorasho wanaagsan oo loogu talagalay dadka qaba xasaasiyadda beedka.

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo