Timahaagu
waa shaki la’aan inay yihiin taashka quruxda, waa mid caadi aha haddii aad
dooneysid inaad horumerisid, balse maaha mid ka hor imanaysa rabitaankaaga.
Haddii aad ay kaa go’an tahay
inaaad dib u beertid, timihii aad weyday, waxa lagama maarmaan ah inaad sameyso hab dabiici ah,
kuna dar dulqaad iyo Samir waayo isbedelku wuxu qaadan karaa bilooyin amaba
sannado.
Waxa la cadeeyey inay tahay
mid faa’ido leh kaana caawin karta inaad dib ay kaaga soo baxaan timahaagii,
kuuna sahli doonta inaad timo yeelato mar kale.
![]() |
Muuqaalka Timo Daatay |
1- Duugitaan/Masaaj
Duugitaanka
ama masaajku madaxu wuxu dib u soo celiyaa timaha, waxaana haboon in xilligaa
la isticmaalo saliidaha timaha koriya.
Habkani wuxu ka qeyb qaataa dardar gelinta iyo xoojinta
timaha.
Dhanka kalena duugitaanka ama masaajka madaxu wuxu hoos u dhigaa xaaladaha walwalka iyo
degenaanshiyo la;aanta ee qofka la soo gudboonaada.
2- Aloe vera
Waxa la isticmaalayey wakhti aad u fog,
waxaanu dawo ka yahay timo daadashada.
Waxa kale oo
loo adeegsadaa madaxa si loo yareeyo xaladaha la soo darsa madaxa sida
cun-cunka.
Waxa uu
yareeyaa toxobta madaxa, waxa kale uu dib u
furaa daloolada timaha ee xidhmay, waxa la soo jeediyaa in isbuucii hal mar la
isticmaalo, iyada oo shaamboo lala isticmaalyo.
Saliida qunbaha waxa ku jirta fatty acids, waxay
awood u leedahay inay si toos ah u dhex-gasho halka ay tintu ka soo baxdo
waxaanay ka hortag u tahay yaraanshaha proteinada mihiimka u ah bixiyaanka
timiha, waxa kale oo ay ka hortag u tahay daadashada timaha.
Waxa jira
baadhitaano caalami ah oo sheegaya in isticmaalka saliida qunbuhu ay qeyb ka
tahay bixitaanka timaha, waxaana dawo ahaan iyo in lagu qurxiyo
timaha loo isticmaali jiray qarniyo.
4-
Viviscal
Waa maado dabiici ah waxaanay ka qeyb qaadataa
dib u soo bixida timaha daata ama go’a, gaar ahaan dadka ay timahoodu ay u unugul
yihiin daadasha ee ay qafiifka yihiin ama ay jilicsan yihiin.
Waxa ku jirta AminoMar C oo sare u qaada soo
bixitaanka timaha, waxay xoojisaa jiritaanka unugyada iyo inay dib usamaysmaan
haddii ay dhaawacan yihiin.
Waxa la qaataa muddo lix bilood ah adoo
maalintii qaadanaya laba xabo oo kiniinka laga sameeyey ah sia aad natiijo u
aragto.
Waxa kale oo laga sameeyey shamboo iyo
kondhiishineer.
5- Saliida Kaluunka
Omega-3
Fatty acids oo laga helo kaluunka waxay inaga cawinaysaa in timuhu ay helaan nafaqo iyo borotiino ku
filan.
Qaadashada Omega oo ay ku jiraan antioxidants waxay faa’ido u tahay helitaanka timo qaro iyo dhumuc leh.
Waxay hoos u dhigtaa timo daadashada.
Omega fatty acids, waxay kaa caawinaysaa inay si sax ah u shaqeeyaan unugyadu,
waxay
sare u qaadaa difaaca, waxnay
wanaajiyaan guud ahaan caafimaadka timaha.
Qaadashada dawooyinka laga sameeyo
Ginseng, waxay horumarisaa bixitaanka timaha waxaanay dar-dar gelisaa halka ay
tintu ku taalo inay si fiican u shaqayso.
Maadada
Ginsenosides, waxay saameyn wax ku ool ah ku leedahay bixitaanka timaha.
7- Basasha
Waa mid faa’idooyin wax ku ool ah leh, waxa la arkay
inay in basasha la miiray ay waxtar u leedahay timaha daata ama go’a gaar
ahaana bidaarta waxay sare u qaadaa bixitaanka
timaha.
Sidoo kale basasha la miiray waxay ka
qeyb qaadataa hansami u socodka dhiig wareega.
Tijaabooyin la sameeyey
ayaa lagu xaqiijiyey inay timaha daadta ay dib u soo bixi karaan haddii la
siticmaalo.
Mari meelaha ay timuhu ka
daateen, una daa muddo 15 daqiiqo ah, kaga maydh, shaamboo.
Waa mid ka
mid ah saliida ugu badan ee ay dadku u isticmaalaan si ay uga caawiso
koritaanka timahooda, hoosna ugu dhigto daadashada timaha.
Saliida Rosameeri waxay kaga shaqaysiisa sidii timo
cusubi u soo bixi lahaayeen, waxa sidoo kale loo isiticmalaa in lagu daweeyo
nooc ka mid ah bidaarta (androgenetic alopecia)
Isticmaalka saliida geranium waxay dib u
soo celisaa bixitaanka timaha, waxaanay sare u qaada qul-qulka dhiiga.
Saliida
geranium, waxay kaa caawinaysaa helitaanka timo qaro leh, nafaqaysan iyo dib u
soo celinta timahii daatay.
10-
Liin-dhanaanta
Waxaad isticmaalki kartaa liin la miiray
ama saliida laga tuujiyo liinta waxay sare u qaadaa tayada timaha iyo
bixitaankooda, waana sabata loogu daro shambooyada iyo saliidaha aynu
isticmaalo.
Saliida
liintu, waxay inaga caawinaysaa, caafimaadka madaxa iyo inay timuhu u soo
baxaan si caafimaad qabta.
©Copyright Daryeel-Caafimaad
Good topics.
ReplyDeleteWaxan qabaa sual basasha mala marinkaraaa timaha jilcisada lamariyay ama wax maudhintaaa basasha mahdsanid
ReplyDeletebasasha iyo toonta
Deletetimaha jilcisada lamariyey way daadisaa
I'm no expert, but I believe you just made an excellent point. You certainly fully understand what youre speaking about, and I can truly get behind that. Argan Oil
ReplyDeletewaa qormo aad u wanaagsan cinwaanno la xariira ayaan soogudbinnaa halkan ka aqriso: https://youtubeshowme.blogspot.com/2022/03/timaha-daata-maxaa-badiya.html
ReplyDelete