Si Dabiiciya Oo Loo Daweeyo Dhagaxa Kelyaha Gala

Muuqaalka Kelyaha



      Dhagaxaanta kelyaha asal ahaan waa macdano iyo milixda, badanaana kuwaasi guud ahaan waa kalshiyam osilate, iyo milixda kelyaha, waxaanay noqdaan kuwo adag oo ku sameysama kelyaha.

Inkastoo ay ku samaysmaan kelyaha, haddana dhagaxaanta kelyahu waxay ku saameyaan qeyb kasta oo ka mid ah habdhista kaadi mareenka.

Xaalada biyo yaraanta ee jidhka ayaa badanaa loo tirayaa inay sabab u tahay sameysanka iyo isbedelada dhagaxa kelyaha gala waana arin saameynteeda leh.

Marka jidhka biyuhu gabaabasi ku noqdaan, isla markaana dareere badani uu debada u baxo iyagoo kelyaha sii maraya, waxay fursda sare u tahay  macdanaha iyo milixda jidhka ku jirtaa in ay si aad ah isugu soo dhawaadaan oo ay isku qabsadaan.

waana halka ugu horeysa ee dhagaxaanta kelyuhu ka bilaabmaan.

1-  Biyaha
Joogtaynta cabida biyuhu waa midka ugu fudud noocyada looga hortagi karo loona daweyn karo dhagaxaanta kelyaha gala.
Badanaa dadka aqoonta u leh arimaha caafimaadka, waxay soo jeediyaan in la cabo maalintii ugu yaraan laba litir oo biyaha una dhiganata 18 koob iyo in ka badan.
Cabitaanta 12 koob oo biyo ah maalin kasta, waa suurtagal inay kaa caawiso si fudud inay kuu soo dhaafaan amaba si aad yar inay u koraan oo ay ku ururaan kelyaha.
2-  Liin La Miiray
Liinta waxa ku jirta maadada Citrate, isku dhiskan ayaa kaa caawinaya burburinta Calcium ta ururtay kelyaha, waxaanay hoos u dhigaysaa koritaankeeda.
Cabitaanka Laba koob oo liin la miiray ah, ka hore waxa la cabayaa iyada oo caloosha qofku ay madhan tahay subaxa hore, halka ka labaadna isna la cabaayo saacado yar ka hor xilliga cashada, waxaanay kaa caawin doontaa burburinta dhagaxaanta yar-yar ee kelyaha ku sameysma.
Waxaana badanaa la soo jeedinayaa inaad ku sameysato gurigaaga, waayo waxa suurtagal ah kuwo diyaarka ah ee suuqa lagu iibiyo inay sonkori ku jirto ama si nidaamsan oo kugu haboon aan loo farsameyn.
3-  Khalka Tufaaxa

Khalka laga tuujiyo tufaaxa, waxa sidoo kale ku jirta citric acid taas oo kaa caawineysa burburinta calciumta ururtay ee dhagaxa isu bedeshay.

Laba malqacdoo/qaado oo ah khalka tufaaxa oo lagu qasay litir badhkii oo biyo ah, waxay hoos u dhigaysaa calaamadaha dhagaxaanta kelyaha gala, waxaanay ka hortag u tahay sameysankooda.

Waxa talo caafimaad lagu soo jeedinayaa in la cabo dhawr jeer maalintii, waxaanay wanaagsan tahay waxtarna ay leedahay cuntada ka hor in la isticmaalo.

4-  Caws Qamadiga

Waxa ku jirta maado sare u qaadaysa saaritaanka xadi badan oo kaadi ah.

Waa mid kuu saamaxaysa in dhagaxaanta kelyuhu si sahlan kaga soo baxaan isla markaana ay hoos u dhigto khatarta sameysankooda iyaga.

Waxa kale oo ku jirta antioxidants, kuwan oo kaa caawinaya in habdhiska kaadi mareenku uu iska saaro macadanaha iyo milixda.

Waxaanu u muuq eeg yahay caws dameerka oo badana dadka Soomaaliyeed u adeegsadaan kalyo xanuunka.

5-  Saliid Saytuun

Waa saliid adag, isla markaana waxay kaa caawinaysaa inay si sahlan kuu soo dhaafaan dhagaxaanta kelyuhu, iyada oo fududeynaysa.

Waxaanay yeraysa heerka is-liska ama xoqitaanka dhagaxaanta ee kelyaha kuwaas oo dhaawi kara kaadi-mareenka.

Wax kale oo ay yareeyaan xanuunka iyo karaka la dareemo, iyadoo biyo lagu qasaayo waxa la cabaa subaxa hore iyo duhurkii si la mid ah dawooyinka dhirta ka sameysan.

6-  Rumaanka

Waxa ku jirta antioxidant, waxaanu leeyahay astaamo awood badan kuwaas oo hoos u dhigi kara fursadaha sameysanka dhagaxaanta kelyaha iyo inay si sahlan jidhka uga baxaan.

Waxa kale oo rumaanka oo la miiray laga helaa maado yareysa inay kaadidu isu bedsho aysiidh, waxay sidaas oo kale ay ka hortagtaa isla markaasna ay adakeysaa in dhagaxaanta kelyuhu sameysmaan.

7-   Jooji Milixda

Cuntooyinka milixdu ku badan tahay waxay sare u qaadaan dhagaxaanta kelyaha maxaa yeelay waxay kordhiyaan xadiga kalshiyamta.

8-  Booratiinka

Cunitaanka xadi badan oo booratiinka ah sida hilibka, beedka/ukunta,iyo  kalluunka, waxay sare u qaadaan heerka uric acida dhiiga taas oo waxyeelaysa kelyaha, haddaad qof leh dhagaxaanta kelyaha waxa la soo jeedinayaa inay lagama maarmaan tahay inaad yareyso cunitaankooda.

9-  Miisaankaaga Yaree

Miisaan caafimaad leh, iyo cunto caafimaadka waxtar u leh, Cuntooyinka fayberta leh waxa loo tixgeliyaa badanka kuwo mihiima, kana hortaga dhagaxa kelyaha iyo daweyntooda.

Ka fogow Cabitaanada sida kuwa sodhaha leh, kafiinta iyo alkoosha badanaa waxay sare u qaadaan khatarta dhagaxaanta kelyaha

Sidoo kale cuntada ay ku badan tahay sonkortu, milixdu ama cusbada iyo duxdu iyana waxay kordhiyaan halista dhagaxaanta kelyaha.


©Copyright Daryeel-Caafimaad.com





No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo