Waxa
Jira qodobo badan kuwaas oo saameyn ku yeesha in ilkuhu noqdaan kuwa lumiya cadaanta
isuna rogaan kuwo muuq doorsama oo ka taga midabkoodii hore.
Cuntooyinka
qaarkood ayaa sababi kar
a in qeybta sare ee ilkaha ee enamelka
loo yaqaan ay midabkeedu uu isbedelo.
Sidoo
kale waxaa ku sameysma lakab sare oo sabab u
noqda in muuqaalkoodu uu huruud ama jaale u isu rogo.
Hadaba
isbedelkan xaga midabka ilakaha ah waxa cadiyan lagu daweyn karaa in la
joogteeyo nadiifintooda iyo dawooyinka lagu cadeeyo ilakaha.
Si
Kastaba, mararka qaarkood muuqaalka ilkuhu waa huruud ama jaale, maxaa yeelay
waxa meesha ka baxa qeybta adag ee enamelka marka ay burburto, waxaynu argnaa
qeybta ka hooseysa ee Dentinta loo yaqaano.
Dentin
asal ahaan midabkeedu waa huruud ama jaale taas oo ka hooseysa qeybta sare ee
enamelka oo iyada midabkeedu uu yahay cadaan.
Halkan
waxaynu ku soo tabin doonaa todoba hab oo si dabiici ah ilkaha loogu cadeyn
karo.

1- Saliidaha
Ilakaha Cadeeya
Saliidaha lagu luq-luqdo waa kuwo xiliyo
hore la isticmaali jiray, waxaanay horumariyaan nadaafaada afka iyo inay ka
saaraan sumaha jidhka.
Saliida
qumbaha ayaa ah tan ugu caansan looguna isticmaal badan yahay sirta ka danbeysa
ayaa ah urteeda wanaagsan iyo ka helitaanka faaidooyin kale oo dheeraad ah.
Saliida
qumbaha waxa kale oo ku jirta lauric acid waxaanay
hoos u dhigtaa bararka iyo inay disho
bakteeriyada.
Cilmibaadhisyo
dhawr ah oo la sameeyey ayaa hoosta ka xariiqay in saliidaha lagu luq-luqdo ay
yihiin kuwo waxtar leh oo shaqeynayna hoosna u dhigi kara bakteeriyada afka ee Streptococuss mutans, sidoo kale dahaadhka ilkaaha
iyo cirid xanuunka.
Saliida
qunbuhu waxa lugu luq-luqanayaa 15-20
daqiiqo taas oo awood u leh inay
bakteeriyada saarto. Waana mid loo baahan yahay in la joogteeyo maalin kasta si
ay hoos ugu rido dahaardhka ilkaha fuula iyo cadeyntooda ilkaha.
2- Bikinka
Soda
Bikinku waa ilka cadeeye dabiici ah kaas
oo leh astaamahaas, tanina waa sababta uu ugu caan baxay in xaga ganacsiga oo
dawooyinka ilkaha lagu cadeydo qeyb ka mid ah loogu daro.
Waxay ilkaha ka qaada
midabka saran ee huruuda/jaalaha ah.
Waxa uu afka ka dhigayaa
mida alkali ah oo aanay suurtagal ahayn inay bakteeriyadu ku korto, daraasad
la qaaday ayaa muujisay in bikin soda uu leeyahay saameyn ilko cadeyn ah oo
mihiim ah.
3- Hydrogen
Peroxide
Waa mid si dabiici ah loogu nadiifiyo
sidoo kale waxay dishaa bakteeriyada afka si joogta ah. Waxyaabo badan kuwaas
oo la suuq geeyo oo ilkaha lagu cadeeyo waxa ku jirta maadada hydrogen
peroxide.
Waxaad u isticmaali kartaa inaad ku luq-luqato
ama inaad ku qasto oo aad ku darto bikin soda si aad ilkaha ugu cadeysid si
fududna aad ugu cadayatid.
4- Khalka
Tufaaxa
Waa mid qarniyo loo
isticmaali jiray khalka tufaaxu in lagula dagaaalmo waxyaabaha
infakshanka/caabuqa keena iyo in si dabiici ah loogu daro waxyaabaha wax lagu
nadiifiyo.
Acetic acid oo laga helo khalka tufaaxa ayaa ah mid
shaqaynaysa oo leh astaamo dili kara bakteeriyada.
Waa sababta uu khalka tufaaxu u noqday mid la isticmaali
karo si loogu nadiifiyo afka, iyo in ilkaha lagu cadeeyo.
Si kastaba, isticmaalka xad
dhaafka ahi, wuxu wax
Yeeli kara ilkaha, waana inaad xadidido
isticmaalkiisa.
5- Khudrada Isticmaal
Cuntada ay ku badan tahay
khudradu, waa mid u wanaagsan caafimaad jidhka iyo weliba ilkaha.
Inkastoo iyaga aan ilka
lagu cadaynin, haddana cunitaanka khudrada qeydhin waxay kaa caawineysaa inay
meesha ka saarto lakabka ku sameysma ilka dushooda.
Waxaana ugu caansan
khudradaas Strawberryga iyo Cananiska
oo kaa caawin kara cadeynta ilkaha.
Strawberrygu wuxu cadeeyaa ilkaha marka lagu daro
bikin soda waana dawo dabiici ah.
Daraasad laqaad qaaday ayaa
lagu ogaaday in starwberryga iyo bikin soda ay ilkaha ka qaadaan midabka
isbedelay.
Cananiska, Waxa jira doodo sheegaya in cananaasku uu cadeyn
karo ilkaha.
Cilmibaadhis la sameeyey ayaa la ogaaday in dawada ilkaha inay ku jirto
maadada bromelain oo laga helo cananiska ay tahay mid mihiim
ah isla markaana faaido leh meeshana ka saari karta lakabka ilkaha fuula.
6- Sonkorta Iyo Kaalshiymka
Mar kasta oo da’da qofku korodho
dabiiciyan ilkahaagu waxay isu rogaan huruud, laakiin waxa jira waxyaabo laga
hortagi karo si aanay midabka ilkuhu isu bedelin.
Waa inaad xadido qaadashada
cuntada iyo cabitaanada badela midabka ilkaha sida kafeyga iyo cabitaanada soda leh.
Yaree cuntada sonkorta leh,
haddii aad doonaysid ilko cad waa inaad joojisaa qaadashada sonkorta.
Cuntooyinka sonkortu ku
badan tahay waxay sare u qaadaa koritaanka bakteeriyada afka ee streptococcus mutans oo sabab u ah lakabka ilkaha iyo
cirid xanuunka.
Waxa haboon cunitaanka
cuntada sonkarta leh ka dib in la cadaydo si dhakhso ah.
Kaalshiyam, isbedelka midabka ilkaha waxa u sabab
ah marka qeybta sare enamelku uu meesha ka baxo iyo araga dentinta oo ku xigta
midab ahaan huruud/jaale ah.
Sidaa awgeed waxa la soo
jeedinayaa inaad qaadato xadi badan oo kaalshiyam ah si ay u adkayso enamelka
kaana caawiso inay ilkahaagu noqfaan kuwo cad oo u ifaya sida luulka.
Qaadashada cuntooyinka iyo
cabitaanada ku qaniga ah kaalshiyamta sida Caanaha,
waxay ka hortagaan burburka enamelka ilkaha.
7- Cadeyga Iyo Dunta Ilkaha
Si joogta ah in loo cadeyo iyo dunta ilkaha waxay kaa caawin kartaa inay
ilkahaahugu noqdaan kuwo cad.
Cadeyga ilkaha lagu xoqaayo wuxu meesha ka saara
midabka ilkaha fuula, halka dunta ilkuhu ay iyana meesha ka saarto hoosna ay u
dhigto bakteeriytada afka iyo inay ka hortagto lakabka ilkaha ku sameysa.
Maalin kasta cadayga iyo dunta oo lagu daray in la joogteeyo
nadiifinta ilkaha adoo bookhanaya dhakhtarka ilkaha waxay ka hortag u tahay dahaadhka
ilkaha.
Waxyaabo Kale
Dhuxusha, iyo diirka khudaarta ayaa
iyana waxay kaa caawin karaan in ilkahaagu cadaan noqdaan kuwo cad, laakiin ma
jiraan cilmi-baadhisyo qiimahooda, badqabkooda iyo weliba waxtarkooda
qeexaya.
©Daryeel Caafimaad.com
No comments:
Post a Comment