Sida Ugu Fudud Ee La Isu Caateeyo



     Inaad Cuntada bad-badasho iyo inaad sameyso  jimcsi oo aad qorshaysato, waa mid adag.
Si kastaba, waxa jira cadaymo kala duwan kuwaas oo kaa caawin doona inaad cunto xadi aan badnayn oo kaalori ah si sahlan.
Waa mid waxtar leh oo shaqynaysa lana tijaabiyey waxaanay hoos u dhigi doontaa miisaanka, sidoo kalena waxay ka hortag u noqon karaa miisaankaagu inuu kordho mustaqbalka.
Halkan waxan ku soo gudbin doonaa 9 hab oo miisaanka loo rido adoon badalayn cuntada ama aan sameynay wax jimics ah.
Dhamaantoodna waxay ku salaysan yihiin, baadhitaano cilmiysan oo la sameeyey.

1-  Calaaliska Yaree

Maskaxdu waxay u baahan tahay wakhti  xilliga cuntada, si aad muddo kugu filan u cuntid.

Calaali cuntada si taxadar leh tani waxay kuu saamaxaysaa inaad si aad yar ah aad u liqdo cuntadaada, waxaanay hoos u dhigaysaa inaad cunto badan qaadato, sidoo kale waxay sare u qaadaysaa inaad dareento inaad dharagtay iyo wax yar inaad cunto.

Badhitaano dhawaanahan la sameeyey ayaa lagu sheegay in dadka deg-dega wax u cuna miisaankoodu uu  kordho, marka loo eego dadka qunyar ama aad yar wax u cuna.

Sidoo kale dadkaasi waxay noqdaan kuwo aad u buuran/cayilan.

2-  Weel Yar Isticmaal

Ku cunida bilaydh yar waxay maskaxdu ka fekeraysaa inaad cuntay caadiyan intii aad cuni jirtay in ka badan.

Sidaas awgeed marka loo fekerayo si hufan, qaadashada cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayn, waxa haboon in la siticmaalo weel yar, waxaanay sabab u noqonaysaa inaad in yar cuntid.

3-  Cun Xaddi Badan OO Boratiin Ah

Marka laga hadlaayo booratiinka, waa mid saameyn awood badan ku leh xaga amateedka.
Tanina waxay sare u qaadaa inaad dareentid dharag, hoosna ay u dhigto gaajada iyo inay kaa caawiso cuni taanka waxoogaa kaalori ah.

Cilmi-baadhis la qaaday ayaa lagu ogaaday, in kordhinta qaadashada booratiinka 15% illaa 30% kalorii ah ay kaa taageeri doonto misaan dhimista, waxaana ka qeyb galay 441 qof oo qadar yar oo kaalori ah qaadanayey maalin kasta, waxaana ka dhacay 11 kg muddo 12 isbuuc ah, iyadoo aanay jirin wax cunto ah oo si gaar ah loogu diidayo in la cuno.

Inaad ku darto cuntadaada booratiin waxa si weyn loola xidhiidhinayaa inay rido miisaanka, xitaa jimicsi adoon sameyn ama isku hawlin inaad yareyso hanaanka aad wax u cunto.

4-   Ka Fogow Cuntooyinka Qaar

Waxa la soo jeedinayaa inaad ka Dheeraato meelaha aad ka arki karto cuntooyinka aan caafimaad u roonayn, kuwan oo sare u qaadaya gaajada sababana inaad wax badan cunto.

Tana sidoo kale waxa lala xidhiidhiyaa in miisaanka ay kordhiso iyo cayilka/buurnida xad-dhaafka ah.

Waxaana wanaagsan inaad kaydasato cuntooyinka caafimaadka u waxtarka u leh, sida midha iyo khudaarta, gaar ahaana meesha ishaadu ku dhacayso.

5-   Cuntada Feybarta Leh

Cunitaanka cuntooyinka feybarta ku qaniga ah, waxay kaa taageeraysaa inaad dharag dareento wakhti dheer.

Daraasad la sameeyey ayaa muujisay qaadashada cuntada feybarta leh, ay miisaanka rido.

 Waxa kale oo ay yareysaa wax cunista.

Cunitaanka feybartu waxay hoos u dhigtaa in nafaqada dheefshiidku nuugo, waxaana ka mid biiniska, iyo boorashka.

Feybartu waxay hoos dhigtaa, dheefshiidka.

6-   Joogtee Biyo Cabida

Cabitaanka biyuhu waxay kaa caawineysaa inaad wax yar cuntid iyo miisaan dhimida, gaar ahaan cuntada ka hor.

Cilmi-baadhis la sameeyey ayaa hoosta ka xariiqday cabida litir badhkii oo biyaha cuntada ka hor 30 daqiiqo ay  hoos u dhigto gaajada iyo qaadashada kaalori badan.

Ku badelida sharaabada sonkorta leh biyo waa faaido weyn.

7-  Ha Adeegsan Electroniga

Inaad Mudnaanta siiso waxa aad cunaysid  waxay kaa caawisaa inaad wa xoogaa aan badnayn oo kaalori ah inaad cuntid.

Waxa la ogaaday dadka xilliga au wax cunayaan daawada telefeshnka, moobilkaaga,  kombuyuutarka  ama ciyaaraya gameka ay qaataan xadi badan oo cunto ah.

Ka foognaanta cuntada aad cunaysid, waxay kaa caawinaysaa inaad wax yar cuntid iyo inaad miisaanka ridid.

8-  Hurdada Iyo War-warka

Marka caafimaadka laga hadlayo badanaa dadku waxay is-diidsiiyaan in xidhiidh ka dhaxeeyo hurdada iyo war-warka.

Balse, xaqiiqdu waxay tahay inay saameytoodu ay sareyso, marka la eego amateedka iyo miisaanka.

Yaraanshaha hurdada iyo sare u kaca heerka war-warku waa halis caafimaad oo keeni karta xanuuno kala duwan sida macaanka noociisa 2aad iyo buurnida ama cayilka xad-dhaafka ah.

9-  Shaarbaka Sonkorta Leh

Sharaabada/cabitaanada sonkorta leh waxa lala xidhiidhiyaa inay halsitoodu sareyso marka laga hadlayo in miisaankaagu kordho iyo weliba xanuunada.

Ku badal sharaabada kuwaas oo caafimaadka u wanaagsan, sida biyaha, kafeyga iyo shaaha cagaaran.




                          

1 comment:

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo