Finanka
wejigu waa mid ka mid ah xanuunada maqaarka ku dhaca, kuwaas oo saameyntooda
leh waxa la qiyaasay in 85% ay qofka maruun noloshiisa ay soo mari doonto ama
ay soo maartay.
Calaamadahooda
ayaa waxa ka mid ah finan cadho kugu abuura iyo cuncun, kuwan oo ay adag tahay inaad si sahlan meesha uga saarto.
Walaw
ay jiraan dawooyin la saadaalinayo inay dawo ka noqon karaan finanka wejiga oo
shaqaynaya awoodna u leh inay tirtiraan ama baabiyaan iyaga, haddana caadiyan
waxa lala xidhiidhiyaa kuwo dhib keeni kara, sida maqaarka oo cun-cuna ama
balala iyo qalayl ku yimaada maqaarka.
Tanina
waa sababta ay dad badani ay ugu laabteen badalkeeda inay isticmaalaan hab
dabiici ah oo xal u noqon kara finanka wejiga iyo maqaarka.
Waxaa
jira dawooyin badan oo si dabiici ah finanka wejiga loogu tirtiri karo, waana
kuwo kaa caawin kara oo la cadeeyey waxtarkooda, si dhakhso ahna meesha uga
saari kara finanka wejiga.
1-
Shaaha Cagaaran
Dad
badan ayaa shaaha cagaaran u caba faa’idooyinkiisa caafimaad ee laga helo,
balse sidoo kale wuxu leeyahay waxtaro
kale oo badan, marka la mariyo si toos ah maqaarka gaar ahaan finanka.
Shaaha
cagaaran waxa ku jira fla-vo-noids iyo tannins, kuwan waxa la og yahay inay kaa
caawianayaan la dagaalanka bararka iyo bakteeriyadu ay u geystaan finanka
maqaarka.
Waxa
kale oo jira antioxidant, kuwaas oo ka hortaga bararka, waxaanay yareyaan soo
saaritaanka saliida badan ee wejiga iyo koritaanka bakteeriyada ee Propioni-bacterium
acnes taas oo keenta
sabab u ah finanka maqaarka.
Daraasado
badan oo la sameeyey ayaa la arkay dadka finanka wejiga leh isticmaalkiisa ka
dib ay natiijo wacan ka soo baxday.
Waa geed ka baxa dhulka
kulaylaha ah wuxu leeyahay caleemo kuwaas oo soo saara maado isjiidanaysa oo saafi
ah.
Marka la mariyo maqaarka
maadadan waxay la dagaalantaa bakteeriyada, waxay hoos u dhigtaa bararka, waxay
sidoo kale dedejisaa bogsashada nabarada wejiga iyo maqaarka.
Wuxu ku caan baxay in loo
adeegsado xaalado kala duwan kuwaas oo maqaarka la soo darsa waxaana ku jira oo
ka mid ah, canbaarta, iyo gubashada maqaarka.
Aloe vera waa mid saameyn
waxtar ah leh, marka la bar-bar dhigo dawooyinka maqaarka.
3- Zink
Macdanta Zinc waxay door
wax ku ool ah ka ciyaartaa bogsashada iyo hoos u dhigida bararka finanka.
Waxa jira cilmi-baadhisyo ina
tusaaya in dadka finanka wejiga leh ay suurtagal tahay in dhiigooda ay ku yar
tahay macdanta zink marka loo eego dadka aan iyagu maqaarkoodu lahayn.
Waxa talooyin caafimaad
lagu soo jeedinayaa in qofku uu qaato zinc 49mg maalintii.
4- Saliida Kaluunka
Saliida kaluunka waxa ku
jirta Omega-3 fatty acids iyo Eicosapentaenoic acid.
Daraasado ayaa muujinaya
inay hoos u dhigto saliida kaluunku, finanaka, kaana caaawin karto in maqaarku
ahaado mid ka badqaba biyo yaraanta iyo fuuq baxa.
Daraasad kale oo ay ka qeyb
qaateen 45 qof ayaa iyana hoosta ka xariiqday qaadashada saliida kaluunku ay
hoos u dhigto finanka wejiga.
5- Habab Kale Oo Finanka Loo
Daweyn Karo
Ø Caanaha: Daraasad ayaa soo tabisay in dadka caba
caanaha badan ay yeeshaan finankawejiga iyo kuwa maqaarka.
Ø Malabka: Waxa ku jirta antioxidants, wuxu ka hortagaa bakteeriyada,
iyo bararka finanka, wuxu u leeyahay faa’idin badan gaar ahaana dadka xanuunada
maqaarka leh in la mariyo.
Ø Wal-walka: Waxa
jira daraasado sheegaya in mar kasta oo xaalada walwalka ee qofku korodho ay
halista finankuna ay sii korodho karto.
©Daryeel Caafimaad.com
No comments:
Post a Comment