Hab Fudud Iskaga Dawee Hargabka ( Dureyga)



     Hargabka ama duraygu wuxu door mihiim ah ka qaataa safeynta iyo nadiifinta  jidhka, balse qaadashada wakhti dheer waxay kugu abuuraysaa walaac iyo jaahwareer.

Waxyaabo badan ayaa sabab u noqon kara hargabka, sida infekshanka, xasaasiyada iyo laab-dilaaca ama lab ololka.


1-    Shaaha Malabka Leh

Marka loo eego daraasado la sameeyey malabku waa ka dawo hargabka.
Cilmi-baadhis ayaa daaha ka qaaday, in malabku uu yahay dawo waxtar leh , 

marka loo eego dawooyinka hargabka loo qaato sida dextromethrophan, taas oo ka dhigan in malabku uu yahay dawo wax ku ool ah kana awood badan

2-     Sinjibiisha

Waxay sinjibiishu hoos  u dhigtaa hargabka qalalan iyo xiiqda ama neef qabatinka, waxay leedahay astaamo ka hortag u ah bararka, sidoo kale waxay meesha ka saarataa karaka/xanuunka iyo yalaaligada ama la-labada.

Cilmi-baadhis ayaa soo jeedinaysa isku dhafyada laga helo sinjibiisha ay fidiyaan xajmiga dhuumaha hawadu marto, waxaanay hoos u dhigaan hargabka.

3-    Cabitaan Badan

Waa mid ahmiyad leh inaad ahaato qof biyo badan ay jidhkiisa ku jiraan xilliga aad dureysan tahay.

Daraasad ayaa hoosta xariiqay cabitaanka xadi badan oo biyo ah  ay hoos u dhigaan durayga, biyaha sanka iyo hindhisada.




4-    Bisbaaska

Waxa loogu yeedhaa geedkii mucjisada ahaa, sabatuna waxa weeye waxtarkiisa dawo, wuxu dawo ka yahay xanuunada caloosha, isgoysayada iyo murqo 

xanuunka, Capsiacin oo laga helo bisbaaska waxa lagu dara badi dawooyinka xanuun baabiyaasha ah ee aan u baahnayn qoraal dhakhtar.

Waxa uu yareeyaa cabudhka, waxa uu jidhka ka dhigaa mid diiran, waxa kale oo hoos u dhigaa bararka.

5-    Toonta Iyo Basasha

Toonta iyo basasha, waxa ku jira oo laga helaa antioxidants, kuwan oo ka saara jidhka sunta.

Waa kuwo si oogan  uga hor tagi kara bakteeriyada, fayraska iyo fangaska, waa difaac markay noqoqoto durayga/hargabka.

Waxaa ku jirta toonta iyo basasha maadada allicin oo ah isku dhaf awood badan.

6-    Ku Luq-luqo Biyo Milix Leh

Ku Luq-luqashada biyaha milixdalahi kani waa dawada ugu fudud waana mid shaqeynaya dawona u ah cuno xanuunka iyo durayga qoyan.

Biyaha milixda lehi waxay hagaajinaan dhuunta, waxaanay hoos u dhigaan mucus faraha badan, waxaanay yareeyaan durayga.

7-     Feytamin C

Waa mid saameytiisa leh, marka loo eego durayga ama hargabka, sida lagu sheegay cilmibaadhis la qaaday.


Daraasadan ayaa lagu soo gaba gabeyey in feytamin cgu uu yareeyo calaamadaha dureyga si aanay wakhti badan u qaadanin.


                                  ©Copyright Daryeel-Caafimaad.com

No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo