Cuntooyinka Yareeya Dada Qofka



 
Muuqaalka

     Gabawgu waa mid dabiici ah, waana qeyb ka mid ah nolosha, mana jiri karto hab la isaga ilaalin karo.

Si kastaba ha ahaate, cuntooyinka la cuno waxay kaa caawin karaan si fiican dada, gaar ahaan muuqaalkaaga guud  iyo kan gudaha.

Halkan waxaynu ku soo gudbin doonaa tiraba 9 cunto oo kaa 

caawinaya inaad muuq ahaan u eekaato qof da’a yar.


1-    Saliid Saytuun

Waa mid ka mid ah saliida ugu caafimaadka badan duxda dunida dusheeda saran.

Darsaado ayaa la arkay inay ka hortag u tahay xanuuno badan oo la xidhiidha da’da.

Waxay hoos u dhigtaa, dhiig karka, khataraha wadne xanuunka, waxay ka hortagaa xanuunada dheefshiidka, iyo inay si xoogan ula dagaalanto kanserka.

Saliid saytuuntu waxay si xoog leh uga hortagtaa lab-laabka maqaarka iyo dhawaaca falaadhaha cadceeda ee maqaarka, kuwaas oo qofka ka dhigi kara, qof muuqaal ahaan ka weyn dadiisa saxda ah.

2-    Shaaha Cagaaran

Shaaha cagaaran waxa ku badan antioxidhants oo sunta la dagaalanta, waxaanay ka hortagaan free radicalska oo ah hadhaadiga marka cuntada la burburiyo habka metabolismka loo yaqaano.

Waxa ku jirta polyphenols oo lid ku ah macaanka, caabuqa iyo xanuunada wadnaha.

Cilmibaadhis loo adeegsaday haweenay dhaawac ka soo gaadhay falaadhaha cadceeda, taas oo creamka ka sameysan shaaha cagaaran la siiyey muddo 6 isbuuca ayaa noqday mid isbedel horumar leh ku keenay maqaarka.

Shaaha cagaarani wuxu hoos u dhigaa astaamaha gabawga.

3-    Duxda Kalluunka

Dhab ahaan, duxda kaluulka/maleygu waa cunto  ka hortag u ah dada.

Waa sil-silad dheer oo ka sameysan omega-3 Fatty acids waana dux faa’ido leh waxaanay ka hortag u tahay xanuunada wadnaha, bararka, iyo boogaha mindhicirka weyn iyo kuwo kale oo badan.

Duxda kaluunku waxay ka hortagtaa dhaawaca maqaarka/dubka ay u geysato qoraxdu.

4-    Shukulatada Madaw

Waxa aad ugu badan shukulaatada madaw flavanol oo ku jirta waxay ka hortag iyo difaac u tahay dhaawaca cad-ceeda.

Waxay maqaarku ku ilaalisaa xaalada biyaha, qarada iyo inuu noqdo mid siman tahay oogadiisa sare dhinaca muuqaalka.

Baadhitaan la qaaday ayaa lagu soo jeediyey in shukulaatada madawga ahi ay, hoos u dhigto, cadaadiska dhiiga, waxay horumarisaa shaqada xididada iyo is haysashada maqaarka.

5-     Khudrada

Waxay  ina siisaa difaac iyo ka hortag free radicals oo ah maxsuulka hadhaadiga waxyaabaha la dheefshiido oo dhaawici kara maqaarka.

Tanina waa saameynta xadiga badan ee antioxdantska ee laga helo khudrada.

Daraasad ayaa muujinaysa feytamin Cga, laga helo khudrada uu waxtar u yahay badqabka maqaarka.

6-    Afakado

Waxay ka hortagtaa dhaawaca lala xidhiidhiyo maqaarka ee cadceeda.

waxaanay sidoo kale laga yaabaa inay ka difaacdo hide sidaha unugyada maqaarka ee DNA.

Faa’idada dhif iyo naadirka ah ee afkadada waxa u sabab ah waxyaabaha lag helo sidaa maadada Polyhydroxylated fatty alcohols oo ka hortagta dhaawaca faladhaha qoraxdu ay u geysato maqaarka.

7-    Rumaanka

Midhaha rumaanku waa kuwo caafimaadka mihiim u ah.

Wuxu hoos u dhigaa rumaanku bararka, sonkorta dhiiga  ama macaanka, waxaanu ka hortagaa kanserka midhikrka weyn.

Waxa kale oo uu maqaarka ka difaaca falaadhaha cadceeda ee adka u daran.

Daraasado ayaa muujinaya in ay dib u kabto maqaarka dhaawacmay iyo kordhinta soo saaritaanka collagen  oo mihiim u ah muqaalka maqaarka.

8-    Yaanyada

Yaanyada/ Tmaandhada waxa ku jirta xadi badan oo ah maadada lycopene, taas oo maqaarka ka hortag uga ah dhawaaca falaadhaha cadceeda iyo inay hoos u dhigto lab-laabka maqaarka ku sameysma.

Dhinaca kale, lycopene waxay hoos u dhigtaa khataraha wadne xanuunka,faaliga/shalalka iyo kanserka prostate ka ee raga.

 Baadhitaano la sameeyey ayaa ina tusaya inay ka hortag u noqon karto maqaarka, marka loo eego  dhaawaca uga imanaya falaadhaha cadceeda.

9-    Waxyaabaha Kulul

Waa waxyaabo dhadhan dheeri ah ku dara cuntada oo noocyo kala duwan leh. Badankoodu waxay ka yimaadaan dhir kala jaad ah oo faaido u leh caafimaadka.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in baadhitaano la sameeyey lagu sheegay in qaarkood ay kaa caawinayaan in muuqaalka maqaarkaagu u eekaado qof da’a yar.

Qorfaha ayaa ka mid ah, waxaanu sare u qaadaa soo saaritaanka maadada collagen oo ka hortag u ah lab-laabka maqaarka, dhaawaca falaadha cadceeda iyo sare u kaca  sonkorta dhiig wareega.




Daryeel-Caafimaad.com

No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo