Xalka Hurdo La.aanta Iyo Hurdo Yaraanta



Waa xaaladda jidhka iyo maskaxda oo caadi ahaan soo noqnoqta dhowr saacadood habeen kasta, taas oo habdhiska neerfayaashu uusan shaqeyneynin, indhahuna  way xidhan yihiin, muruqyada waxay ku jiraan degenaan, iyo miyirka qofka oo hakiya shaqadiisa ”.
Isbeddellada hab-nololeedka ee fudud waxay kaa caawin karaan tayada hurdada.
Haddaba halkan, waxaynu ku soo gudbin doonaa 10 talo si aad u hesho habeenkii hurdo raaxo leh, hurdadu waa ka qeyb nolosha!


Image result for insomnia
Hurdo La'aanta

1-   Saacadaha Hurdada

Hurdada iyo soo toosida waqti isku mid ah maalin kasta waxay saameyn doontaa jidhkaaga inaad si fiican u seexato. Dooro waqti aad u baahan tahay inaad dareentid daal iyo hurdo. Waa habka ugu wanaagsan ee xal u noqon kara, hurdo yaraanta.
2-   Jawi hurdo

Goobta aad seexanayso, waa inay ahaato meel ay ku yar tahay sanqadh/jabaqdu si loogu nasto loona seexan karo.
Heerkul dhedhexaad ah, iftiin iyo buuq waa in laga yareeyo ama la xakameeyaa si jawiga goobta aad jiifsanayso ay kaaga caawiso inaad si fudud ay kuugu soo dhacdo hurdo.

3-   Jimicsi joogto

Jimicsi dhexdhexaad ah oo joogto ah, sida dabaasha ama socodka, waxay gacan ka geysan kartaan yareynta caqabada hurdo yaraanta ah, maalinba maalinta ka dambeysa. Laakiin iska hubi inaadan sameyn jimicsi badan, sida orodka ama jimicsiga dheeri ah, wakhtiga hurdada, maxaa yeelay waxay kaa qaadaysa hurdada waxaanay sabab u noqonaysaa inaad soo jeedo habeenka intiisa badan.

4-   Iska yaree kafeyn

Iska yaree isticmaalka kafeeynta, ama cabida kafeega, cabitaannada tamarta qofka sare u qaada ama kookaha, gaar ahaan fiidkii.
Maadada Caffeine waxay faragalin ku sameysaa hurdada, sidoo kale waxay ka hortagtaa inuu qofku u seexdo si wanaagsan.
Taa badalkeedka, isticmaal biyo diiran, caano ama shaaha caadiga ah, balse ha badsan.

5-   Dherega Cuntada

Cunida Cunto aad u badan, gaar ahaan goor dambe oo habeenkii ah, waxay carqalad ku noqon kartaa qaabka hurda ee qofka.
Waxaanay shaqo dheeri ah u dirtaa maskaxda, xilliga dheefshiidka taas oo ka mashquulisa maskaxda inay nasato ama qofku inuu u seexdo si caadi ah.

6-Jooji Sigaarka

Cilmi-baadhisyo la qaaday, ayaa lagu ogaaday in dadka sigaarka caba ay afar jeer ku badan yihiin kuwa aan dareemin inay si fiican u nasteen intii ay hurdeen habeenkii marka loo eego kuwa aan cabin.
Baadhayaasha jaamacadda Johns Hopkins qeybteeda dawada ayaa u sababeeyey saamaynta maadada nikotiinka.
Sigaar cabistu waxay sii xumaynaysaa xanuunada habdhiska neefsashada sida xiiqda/neefta  iyo dhibaatooyinka kale ee neefsashada sida neefsiga caadiga ah, kuwaas oo adkayn kara helitaanka hurdo nasasho leh.

7-Qol Madoow

Nalka ama iftiinku, wuxuu maskaxdaada u sheegaa in la joogo waqtigii la toosi lahaa, sidaa darteed meesha aad seexanayso ka dhig mid mugdi/madawah intii suurtagal ee aad hurdo.
Xitaa qaddar yar oo iftiinka taleefanka gacanta ama kumbuyuutarka ayaa carqaladeyn kara soo-saarka maadada melatonin (waa hoormoon ka caawiya habeynta wareegga hurdada) iyo guud ahaan helida hurdo raaxo leh.

8- Beddel cuntadaada

Iska yaree cuntada iyo cabitaannada ay ku jiraan kafeegu, sida cabitaannada fudud, iyo shukulaatada, xilliga habeenkii.
Qorshee hanaanka cuntadaada, cun cunto fudud oo dhammayso dhawr saacadood ka hor wakhtiga jiifka/hurdada.
Ka fogow, cuntooyinka basbaaska leh ama cuntooyinka culus, kuwaas oo kaa ilaalin kara inaad seexato kuuna keeni kara niyad jab ama xaalado caafimaad daro.

9-  Ka Fogow Hurdada Maalintii

Iska illaali inaad jiifsato/seexato inta lagu jiro maalinta.
Hurdo xumo awgeed habeenkii, dadka hurdo la’aanta ka cawda waxay u muuqdaan inay seexdaan maalintii. Tan badanaa waxa kuu horseedi karta hurdo maalmeedka.
Daraasadaha qaarkood waxay muujiyeen in si joogto ah, oo loo seexdo laba saacadood ama in ka badan maalintii ay kuu horseedi karto tayada hurda oo xumaata habeenkii iyo xitaa hurdo la’aan.

10- Bakhtii/Demi Elektroniga

Isticmaalida aaladda elektiroonigga goor dambe oo habeenkii ah, waa mid u daran hurdada.
Daawashada telefishanka, ciyaarista ciyaaraha fiidiyowga, adoo adeegsanaya moobaylka iyo Shabakadaha bulshada isku xidha waxay kugu adkayn karaan inaad hurdo heshid.
Waxaa khubarada caafimaadka maskaxdu talo ahaan ku soo jeedinayaan inaad joojiso dhammaan waxyaabaha elektiroonigga ah, sida kumbuyuutarrada iyo taleefannada gacanta, si aad u hesho hurdo tayo leh.

No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo