
Geedka Timirta waxa la beeraayey wakhti aad u fog ugu dhawaana 6000 sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise (NNKH).
Midhaha ka soo go’a geedkan timirta ayaa ah kan ugu macaan, waxaana jira inuu geedka timirtu yahay mid qeybo badan leh, taas oo keentay kala duwanaanshaha noocyada timirta ee la isticmaalo, waxaana geedkan lagu cunaa sidiisa waana mid ay faa’didooyinkiisa caafimaad isku mid yihiin haddii uu qalalan yahay iyo haddii uu qoyan yahayba labada.
Ø Nafaqo Ahaan Waxyaabaha Ku Jira Timirta
Fiber, Potassium iyo Copper, ayaa ah qaar ka mid ah waxyaabaha nafaqo ahaan ku jira timirta oo mid kastaana uu leeyahay faa’idadiisa gaarka ah sida Fiber oo ka hortag u ah calool istaaga (Constipation), Potasium oo u wanaagsan dhiig wareega kana hortaga xanuunada sida faaliga (Stroke) iyo Copper oo wax wayn katara habsami u socotka shaqada isgoysyada iyo ka hortaga gabawga (Aging). Waxaana ku jira kuwo kale oo badan.
Ø Kor U Qaadida Caafimaadka Dheefshiidka
Maadada Fiber oo ay timirtu qani tahay ayaa mihiim u ah kor uqaadida caafimaadka dheefshiidka, iyo hoos u dhigida calool istaaga, waxaanay ka hortagtaa, xanuunada ku dhaca dheefmareenka,sida bawaasiirta, waxaanay joogtaysaa shaqada mindhicirada gaar ahaan midhicirka weyn (Colon) oo ah kan ugu badan ee sababa Kansarka ku dhaca. Timirtu, waa mid ka mid ah dawooyinka gurigaaga aad ku isticmaali kartid si fudud.
Ø Caafimaadka Wadnaha
Fiberta ku jirta timirta, waxay sidoo kale sare u qaadaa caafimaadka wadnaha, marka laga yimaado dheefshiidka.
Ø Bararka Jidhka
Timirtu, waxay ka hortagtaa, bararka jidhka waxaana ku jirta macdanta magnesium.
Waxaanay yareysaa, xanuunada wadnaha (Dhiig Karka, Faaliga), isgoysyada, iyo cudurka ilawga ama asaa-saqa.
Ø Caawinta Hooyada Uurka Leh
cilmibaadhis la sameeyey ayaa iftiimisay in cunista timirtu ka caawiso haweenka uurka leh dhalmada iyada oo aan la adeegsan dawooyinka dhalmada.
Ø Kor U Qaadida Caafimaadka Maskada
Timirta waxa laga helaa vitamin B6, oo faa’ido u ah kasmada iyo kobaca garaadka ee maskaxda.
ü Faa’dooyinka Caafimaad Ee Timirta
Waxay wax ka tartaa miisaan dhimista qofka buuran ama cayilan.
Waxay daawo u tahay shubanka.
Waxay dawaysaa ama ka hortagtaa dhiigyaraanta birta (Iron).
Waxay waxtar u leedahay xaga jismiga gaar ahaan galmada.
No comments:
Post a Comment