Saliida Kaluunku Waa mid ka mid ah waxyaabaha la isticmaalo
kuwooda uga faa’idada badan.
Waxaanay qani ku tahay Omega 3
Fatty Acid, Oo U wanaagsan caafimaadka.
Haddii aanad cunin saliida kaluunka, waxa kaaga filan inaad
isticmaasho dawooyinka laga sameeyey si aah u hesho in kugu filan oo ah omega 3
fatty acids.
Saliida Kaluunku waa dux ama saliid laga soo saaro
nudaha kaluunka.
Haayada caamifaadka ee dunida WHO waxay soo jeedisay in
isbuucii/todobaadkiiba mar ama laba jeer la cuno si looga helo faa’idooyinka
caafimaad ee ku jira ka hortagna u noqon kara tiro xanuuno ah.
![]() |
Saliida Kalluunka |
Saliida kaluunku waxay hoos u dhigtaa qaar ka mid ah xanuunada wadnaha
lala xidhiidhiyo. Balse ma jiraan waxyaabo cadaynaya inay ka hortagi karto xanuunada
sida, wadno istaaga iyo faaliga
ama Shalalka.
2- MASKAXDA
Maskada aadamuhu waxay ka sameysan tahay 60% dux in badan oo ka mid
ahina waa Omega 3 Fatty acids.
Sidaa darteed xanuuno badan oo maskaxda
ku dhaca waxaa la arkay in ay natiijo wacan oo horumar ah ay ka soo baxday ka
dib isticmaalkeeda.
3- BUURNIDA/CAYILKA
Buurnida ama cayilka, waxa lagu qeexaa marka halbeega lagu cabiro
miisaanku uu ka kor maro 30 BMI.
Sidaa darted waxay sabab u noqon
kartaa, xanuunada wadnaha, macaanka nooca labaad iyo kanserka.
Saliida Kaluunku waxay yareysaa cabirka
dhexda, marka la barbar dhigo cunada dheeliga tiran iyo jimicsiga.
Sida ay maskadu ugu baahan tahay saliida
kaluunka ayey indhuhu ugu baahan yihiin, waxaana ku jira Vitamin A.
Waxay
ka hortagtaa xanuunada indhaha ku dhaca.
Saliida kaluunku waxay si xoogan uga hortagtaa bararka jidhka waxaanay
yareysaa calaamadihiisa, gaar ahaana ka isgoysyada ee roomatisanka
loo yaqaan.
6- MAQAARKA
Maqaarku waa xubinta ugu weyn jidhka waxaana ku jira xadi badan oo ah
omega 3 fatty acids.
Maqaarku wuxuu isbedelaa amaa dhalan
rogmaa marka uu gaboobo ama cadceed badani ku dhacdo.
Haddaba, qaadashada saliida kaluunku
waxay inaga caawisaa sidii aynu u heli lahayn maqaar caafimaad qaba.
7- UURKA/ILMAHA
Omega-3 waxay
,mihiim u tahay hooyada uurka leh iyo ilamaheeda si uu koro. Waxay kobcisaa garaadka iyo kana cawisa aqoonta.
Xanuunada beerka ku dhacaa waxay ku badan
yijiin dadka buuran ama cayilan. Haddaba,
saliida kaluunku waxay hoos u dhigtaa beerka subaga.
9- ISKU-BUUQA/BUUFISKA
Waxa la
saadaalinayaa in 2030 ka uu noqon doono xanuun sabaha labaad ee ugu badan. Sida
la ogaadayna dadka uu hayo waxa ku yar
dhiigooda omega 3.
10- HAB-DHAQANKA/QAL-QAALIGA
Qaadashada Omega 3, ayaa hoos u dhigta qalqaaliga iyo habdhaqanka xun ee
caruurta, xilliga waxbarashada iyo koriinka.
11- ILAWGA
Dadka qaata saliida kaluunka ayaa la ogaaday inay ka badbaadaan hoos u
dhaca xasuusta ama ilawga marka ay da’a noqdaan.
12- XIIQDA/XASAASIYADA
Cunida xadi badan oo kaluun ah, ama saliida kaluunka ah xilliga uurka
ayaa la ogaaday in caruurnimada ay kaa badbaadin karto xiiqda ama xasaasiyada.
13-LAFAHA
Saliida kaluunka waxaa ku jirta macdano iyo vitamin badan sida Calcium
iyo Vitamin D
oo u wanaagsan lafaha.
No comments:
Post a Comment