Waxtarka Shaaha Cagaaran (Green Tea)


     Shaaha Cagaaran waa kan ugu caafimaadka badan waxyaaha la cabo ee dunida, sida ay aaminsan yihiin khubarada caafimaadka ku xeesha dheer.
Tobanka faa’ido ee la xaqiijiyey ee shaaha cagaaran waxaa ka mid ah:

1-   Kobcinta Caafimaadka Guud

Waxaa Ku Jirta maadooyin loo yaqaano Bioactive, polyphenols maadadan ayaa hoos u dhigta bararka jidhka waxaanay la dagaalantaa kanserka iyo catechin oo ka hor tagta  dhaawacyada unugyada jidhka.

Image result for green tea
Shaaha Cagaaran (Green Tea)
2-   Maskada

Waxa ku jira shaaha cagaaran maadada caffeine oo aan sidaa u badnayn, balse waxtar u leh  soo jeedka maskaxda kana caawinaysa garaadka qofka, xasuusta, falcelinta iyo badqabka maskaxda ee hoormoonada qaarkood in la soo daayo.

3-    Duxda

Cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyey ayaa dhamaantood muujinayey in shaaha cagaan uu qeyb ka yahay miisaan dhimida isla markaana uu dedejiyo hanaanka cuno burburinta ee (metabolic rate) loo yaqaano

4-    Kanserka

Kanserku waa unugyada jidhka oo si aan xadidaad lahayn u qeybsama, waana mid wakhti xaadirkan cudurada dunida dimashadoodu ugu badan tahay.
Waxaa qeyb ka ah in xanuunkani u faafo dhaawaca unugyada jidhka ee ay sababaan oxidative, waxaana ka hor tag u ah antioxidants oo laga helo shaaha cagaaran.

5-    Ilawga iyo Gariirka

Shaaha cagaaran ayaa qeyb weyn ka qaata inuu hormariyo shaqada maskada, waxaa kale oo uu ka hortagaa inay gabawdo.
Alzheimer's waa xanuun waxyeeleeya neerfayaasha waxaanu badanaa ku dhaca dadka xanuunka oo keena dementia.

Parkinson's xanuunkan ayaa ah kan labaad ee ugu badan dunida kuna dhaca neerfayaasha waxa lala xidhiidhiyaa inuu dilo unugyada soo saara  dopamine ee maskaxda.

6-  Caabuqa/ Infekshanka

Sida lagu sheegay daraasado xidhiidh ah waxaa uu shaaha cagaran uu la dagaalamo bakateriyooyinka qaar,  gaar ahaana kuwa afka ku dhasha sida sterptoccocus mutans iyo qeyb ka mid ah viruska keena Durayga/Hargabka ee influenza virus.

7-   Macaanka 2

Waxa uu ka caawiyaa ganaca inuu soo saaro insulin ku filan isaga fudeydiya in xadiga sonkorta ah ee dhiiga la dhimo.  48% japan.

8-    Wadnaha

Xanuunada ku dhaca wadnaha, Waxa uu shaaha cagaarani hoos u dhigaa duxda dhiiga sida cholesterol sha.



No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo