1-
Habdhiska Difaaca
Marka laga la yimaado in liin dhanaantu
ay qani ku tahay xadi badan oo faytamin C
ah, waxay ka hortagtaa in uu diciifo habdhiska difaaca ee jidhku si aanu ugu
nuglaanin xanuunada.
2-
Dheelitirka PH
Cabida
liin dhanaan la miiray oo lagu daray biyo diiran subax kasta waxay kaa
caawinaysaa joogtaynta isu dheelitirka aysiidha iyo baseka.
3-
Infakshanka/Bakteeriyada
Midhaha liin dhanaanta oo la miiray,
waxay leeyihiin astaamo awood badan oo ay iskaga caabiyi karaan bakteeriyada,
isticmaalka liin dhanaantu waxay kaa caawin kartaa inay la dagaalanto
infekshanka.

4-
Sunta
Midhaha
liin dhanaanta oo lagu daray biyo diiran oo kuleyl xiga, waxay awood u
leeyihiin inay jidhka ka saraan suntan ku jirta.
5-
Dheefshiidka
Liin dhanaanta iyo Biyaha diiraan oo la
isku qasay si wanaagsan oo taxadar leh, waxay sare u qaadaan caafimaad
habdhiska dheefshiidka.
6-
Macdano Iyo Faytamiino
Cabitaanka Liin dhanaanta iyo
biyaha diiraan, marka laga yimaado inay liintu qani ku tahay faytamiin C waxa kale oo ku jira macdano badan oo
mihiim u ah caafimaadka sida, potassium,
calcium, phosphorus, magnesium iyo kuwo kale oo badan.
7-
Dureyga/ Hargabka
Liin dhanaanta iyo biyaha diiran ee la
isku qasay waxay la dagaalamaan durayga ama
hargabka.
8-
Maqaarka/Dubka
Liin dhanaanta lagu daray biyo kuleyl
xigeen ah sida la tijaabiyey, waxay dawo u tahay xanuunada maqaarka ku dhaca
iyo isbedelada qaarkood sida finanka wejiga iyo
maqaarka oo lab-laabma.
9-
Miisaan Dhimida
Liinta la miiray ee lagu daray biyaha
diiran ee qandaca ahi waxay xal u tahay buurnida ama cayilka, waxay sare u
qaada shaqada dheefshiidka iyo habka cuno burburinta.
10-
Beerka
Liin
dhanaantu waxay ka caawisaa beerka ina uu saaro sumaha, beerku waa xubinta
jidha u qaabilsan in jidhka noolaha laga saaro sumaha.
11-
Bararka
Liin dhanaatu waxay ka
hortagtaa, infekshanka
habdhiska neef mareenka ku dhaca, cuno xanuunka iyo xoqado oo
qofka barara.
12-
Isgoysyadda/Murqaha
Biyo diiraan oo lagu daray liin
dhanaanta oo la miiray, waxay inaga saacidi kartaa inay hoos u dhigto kaarka murqaha iyo isgoysyada.
13-
Ilkaha/Ciridka
Joogtaynta Cabitaanka liin dhanaanta oo
lagu qasay biyo diiran, waxay ka hortag fiican u tahay sida lagu xaqiijiyey
cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyey, ilko xanuunka iyo
xanuunada ku dhaca ciridka.
14-
Fuuq-Baxa
Liin dhanaan iyo biyaha
diiran ee la isku milay, waxay ka hor tagaan fuuq-baxa jidhka, waxaanay
joogteeyaan macdanaha kala duwan ee ku jira dhiig wareega.
15-
Mindhicirada
Liin dhanaanta Oo biyo diiran lagu
qasay waxay kaa caawin kartaa joogtaynta shaqada mindhicirada iyo dhaq-dhaqaaqiisa
si caadi ah.
Talo Siin:
Fadlan Kala Tasho Arimahan Qof Aqoon U
Leh Caafimaadka, Ka Hor Inta Aanad Isticmaalin, Laga Yabaa Inaad Xasaasiyad Ku
Leedahay Ama Aad Dhib Kala Kulantid.
©Daryeel-Caafimaad.com
No comments:
Post a Comment