Waxtarka Caafimaad Ee Xab-Xabka (Qaraha)

Qaraha ama Xab xabka

     Xab-xabka ama qaruhu dhadhan ahaan waa mid macaan, waa mid ka mid ah khudaarta firfircoonida sameeya, waana mid u wanaagsan caafimaadka guud ee qofka.

Waxa ku jirta oo keliya 49 kaalori, iyo faytamiino waxaanay leeyahay waxtar caafimaad oo badan, waxaanu  kaa caawin karaa miisaan dhimida si sahlan.

1-        Biyaha

     Cabitaanka biyuhu waa mihiim, waxaanay jidhka siiyaan inu ahaado mid ka fayaw biyo yaraanta.
Sida la xaqiijiyeyna, xab-xabka  ama qaraha 92% waa biyo.
Tanina waa sababta keenta marka aad cunto inaad dareento inaad dharagsan tahay.
Xab-xabka, waxa ku badan biyaha, waxaanu biyo siiyaa unugyada jidhka, isla markaana wuxu yareeya gaajada iyo haraadka, waxaana laga hela kaalori hooseeya.

2-        Nafaqada

     Marka laga yimaado in xab-xabku uu yahay khudaar, waxa laga helaa macdano iyo faytamiino badan oo waxtar mihiim ugu fadhiya caafimaadka.
Sida Faytamiin. A,B Iyo C, Waxa kale oo ku jira Macdano ay ka mid yihiin Potassium iyo Megnisuin.
Ø Faytamiin C, wuxu ka hortaaga dhaawaca unugyada ee ay sababaan free radicals ku.
Ø Carotenoids Waxa loo badalaa Faytamiin A oo u wanaagsan indhaha kana caawisa araga.
Ø Lycopene, waxay leedahay faa’dooyin caafimaad oo badan, waxay ka hortagtaa falaadhaha cadceeda, kanserka, waxay u roon tahay caafimaadka wadnaha.

3-        Ka Hor Tag Kanserka

     Qaar ka mid ah waxyaabaha laga helo xab-xabka oo ay ka mid yihiin Lycopene iyo Cucurbitacin E, sida lagu sheegay cilmi-baadhis la sameeyey waxa lagu ogaaday inay awood u leeyihiin ka hortagida faafitaanka cudurka kansarka.



4-        Caafimaadka Wadnaha

     Xanuunada wadnuhu waxay kaalinta koobaad ka jiraan xanuunada ugu badan ee sababa dhimashada.

Waxyaabo badan oo laga helo qaraha ayaa faa’idooyin u leh caafimaadka wadnaha.

Daraasado la sameeyey ayaa lagu ogaaday  maadada lycopene oo laga helo xab-xabka ay kaa caawin karto hoos u dhigida Kalastaroosha iyo dhiig karka.
Qaraha sidoo kale waxa ku jirta Citrulline, waa aamino aysiidh waxay kordhisaa xadiga Nitric Oxide dha jidhka, oo fidisa xajmiga xidida dhiiga, hoosna u dhigta cadaadiska dhiiga.

Waxyaabaha kale ee ku jira xab-xabka waxa ka mid ah Faytamiin A, B6 Iyo Macdano ay ka mid yihiin Potassium iyo Magnesium kuwaas oo u waxtar mihiim ah u leh caafimaadka wadnaha iyo guud ahaan hab-dhiska dhiig wareega.


5-        Bararka Jidhka

Maadooyinka Lycopene iyo Faytamiin C oo laga helo xab-xabka ama qaraha, ayaa ka hortaga bararka jidhka iyo dhaawacyada unugyda.

Baadhitaano caalamiya oo la sameeyey 2015 kii ayaa muujiyey inay isticmaalka xab-xabku uu hoos u dhigi karo bararka jidhka.

6-        Indha

     Isticmaalka xab-xabka waa faa’do marka ay timaado caafimaadka iyo badqabka indhuhu.
Waxa laga helaa Lycpene waxay inaga caawisaa inay indhaheenu ay noqdaan kuwo caafimaad qaba, waxay ka hortagtaa xanuunada indhaha ku dhaca xilliga da’da.
Waxay kaloo inadhaha ka difaacaan inay bararaan ama ay  dhaawacmaan unugyada araga qaabilsani.




7-        Murqo Xanuunka

     Cabitaanada laga sameeyey xab-xabku waa kuwo awood sare leh, si dhakso ahna aad uga soo kaban karto daalka la dareemo xilliga jimicsiga.

Maadadada Citrulline, ayaa masuul ka ah inay inaga caawiso baabiinta murqo xanuunka .

Tanina waa sababta ka danbeysa in ay ciyaaryahanada orodku ay cabaan sharaabada  ka sameysan qaraha ama xab-xabka.

8-        Timaha

     Faytamiin A iyo C oo laga helo xab-xabka ayaa mihiim u ah timaha.
Waxa kale oo Faytamiin Cgu uu ka caawiyaa timaha inay noqdaan kuwo qaro leh oo aan si fudud u daadanin amaba u go’in.



9-        Caafimaadka Dheefshiidka

Fiberta iyo biyuhu, waxay mihiim u yihiin sidii loo heli lahaa dheefshiid caafimaad qaba.

Labadaba waxa laga helaa xab-xabka.

Sidaa darteed, xab-xabku wuu door wax ku ool ah ka qaataa bad-qabka iyo caafimaadka guud ee dheef-mareenka.

10-   Maqaarka

Faytamiin A oo laga helo xab-xabka/qaraha,  waxa uu faa’ido weyn u yahay maqaarka, wuxu inaga caawiyaa sidii u sameymi lahaa maqaar cusub iyo dib u kabashada unugyada maqaarka ee dhaawacmay.

Faytamiin A, hadaan la helin waxa uu maqaarku u ee kaanayaa mid qalalan, isla markaana u muuqda inuu duub-duubmay.

Waana sirta ka danbaysa in kiriimyada maqaarka la mariyo lagu daro maadada Faytamiin A.


© Daryeel Caafimaad.com

No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo