![]() |
Muuqaalka Sinjibiisha |
Sinjibiishu waa geed gaab kuwa caleenta leh, waxaana la
isticmaala xididkiisa iyadoo loo adeegsado in cuntada lagu macaaneeyo amaba
lagu ud-gooneeyo, waxaana sidoo kale loo isticmaali jiray dawo ahaan taariikha
hore Ugu dhawaana 5000 sanno ka hor.
Geedkan ayaa markiisii hore
lagu arkay asal ahaan koonfurta
dal weynaha shiinaha,
dabeedna waxa uu u gudbay dalka Hindiya,
waana halka la rumaysan yahay inuu ka soo galay qaarada Afrika iyo Yurub oo ganacsi xoogani kala dhexeeyey Hindiya
wagaas.
Sijbiisha waa la isticmaali
karaa haddii ay qoyan tahay, qalalan tahay, haddii la ridqo,
haddoo sallid laga dhigo, iyo haddii miiro
intaba, mararka qaarkoodna waxaa lagu daraa cuntooyinka la warshadeeyo iyo waxyaaba
la isku qurxiyo qaarkood.
Balse, waxay caan ku tahay
cuntada oo lagu daraa.
Sinjibiisha waxaa ku jirta
maadada Gingerol oo mihiim u ah
caafimaadka.
1- Yalaalugo/La-labo
Sinjibiisha
ayaa ka dawo ah yaalugada/la-labada sida lagu xaqiijiyey cilmi-baadhisyo la
sameeyey oo ay ka qeyb galeen 1,278 haween oo
uur leh, waxaana la ogaaday in isticmaalkeedu u hoos u dhigo
yalaaluga/la-labada xiliga uurka, laguma sheegin cilmi-baadhista in sinjibiishu
ay mataga ka dawo tahay.
Qaadashada
xaddi ah 1-1.5 gram oo sinjibiil ah, waxay ka
hortagtaa, noocyada yalaluga/la-labada ah.
Sida,
ta walaca, qaliinka ka dib, iyo dawooyinka
kiimikada ah.
2- Murqa Xanuunka
Isticmaalka
sinjibiisha ayaa hoos u dhiga murqo xanuunka, qaadashada xadi ah 2 gram maalin kasta,
ayaa maalinba maalinta xigta hoos u dhigi karta murqo xanuunka, waana mid
saameynteeda leh.
Gaar
ahaana, waxay dawo ka tahay murqo xanuunka la dareemo xilliga jimicsiga.
3- Lafaha
Xanuunada lafaha iyo is-goysyadu waa
xaalad caafimaad.
Cilmi-baadhisyo la qaaday ayaa hoosta
ka xariiqday in qaadashada sinjibiishu ay tahay dawo xanuun baabiye oo waxtar
leh.
Waxaanay la mid tahay dawooyinka xanuun
baabiyaha ah sida, Ibuprofen.
4- Sonkorta
Waa
baadhis weli cusub, balse sinjibiishu waxay leedahay astaamo awood badan oo ay
kaga hortagi karo cudurka macaanka.
Cilmi-baadhis
la qaaday sannadkii 2015 kii oo ay ka
qeybgaleen 41 qof oo qaba macaanka noociisa
2 aad oo qaadanayey 2 gram maalin kasta ayaa
la arkay iyada oo hoos u dhigaysa sonkorta dhiiga ku jirta.
5- Dheefshiid-Xumaddxda
Sinjibiishu
waxay u muuqataa inay sare u qaado faaruqinta caloosha cuntada ka dib oo dadka
qaarkood kala kulmaan calool xanuun haddii cuntada la burburin waayo, waxaanay
faa’ido u tahay dadka ka cawda dheef-shiid xumada iyo
xanuunada caloosha lala xidhiidhiyo.
Daraasad
la sameeyey ayaa lagu ogaaday qaadashada 1 gram oo
sinjibiil ah oo la ridqay cuntada ka hor in ay muhiim u tahay caafimaadka
caloosha iyo cuno burburnta.
6- Caadada
Sinjibiishu
waa mid ka mid ah dawo dhaqameedka xanuun baabiiyaha gaar ahaan xilliga caadada
haweenka.
Gaar
ahaana maalmaha ugu horeeya.
7- Xanuunada Wadnaha
Waxa
jira waxyaabo cadaynaya in sinjibiishu ay hoos u dhigto LDL Cholesterol oo
sabab u noqon karta xanuunada wadnaha.
Tijaabo
lagu sameeyey 45 maalmood oo xidhiidh ah, 85 qof oo dhiigooda ay ku badan tahay LDL
Cholestrol, qaadanayeyna maalintii 3 gram oo
sinjibiil ah ayaa la arkay inay hoos u dhigtay.
8- Kanserka
Sinjibiisha
waxa ku jirta maado la yidhaahdo gingerol, waxay
ka hortag wax ku ool ah u tahay faafitaanka cudurka kansarka.
9- Makaxda
Sida
lagu sheegay daraasado kala duwan oo la sameeyey, sinjibiishu waxay ka
hortagtaa hawl gabka maskada, iyo dhaawaca unugyada maskada ee ay sababaan oxidative stress, waxaana sinjibiisha ku jira maadooyinka antioxidants iyo bioactive.
Sinjibiishu
waxay sare u qaadaa shaqda maskada, sida xasuusta.
10-
Infekshanka
Maadada
Gingerol oo laga helo sinjibiisha waxay ka
hortagtaa caabuqa/infekshanka, waxaanay awood badan tahay xilliga ay qoyan tahay isticmaalkeedu.
Waxa
hubaal ah inay ka hortagto koriinka bakteeriyada noocyadeeda kala duwan.
Waxaanay
dawo u tahay xanuunada afka ku dhaca, gaar ahaan ciridka.
©Daryeel-Caafimaad.com
Aniga uur ayan leyahay 1 bil ah subax iyo haben kasta waxan caba 1koob oo liin dhanan iyo sinjibil ah wax miyay iyelaysa aniga iyo ilmaha wllo adogo mhdsan ijawab
ReplyDelete