Hab Dabiici Ah oo Timihii Kaa Go’ay (Biibay) Aad U Heli Karto


     Timahaagu waa shaki la’aan inay yihiin taashka quruxda, waa mid caadi aha haddii aad dooneysid inaad horumerisid, balse maaha mid ka hor imanaysa rabitaankaaga.
Haddii aad dooneysid inaaad dib u beertid, timihii aad weyday, waxa lagama ma maarmaan aha inaad isku daydo inaad sameyso hab dabiici ah
Waxa la cadeeyey inay tahay mid faa’ido leh kaana caawin karta inaad dib ay kaaga soo baxaan timahaagii, kuuna sahli doonta inaad timo yeelato.


Image result for hair and hair loss
Timo Daatay

1-  Duugitaan/Masaaj

      Duugitaanka ama masaajku madaxu wuxu dib u soo celiyaa timaha, waxaana haboon xilligaa in la isticmaalo saliidaha timaha koriya. Habkani wuxu ka qeyb qaataa dardar gelinta iyo xiijinta tinta.
Dhanka kalena duugitaanka ama masaajka madaxa waxay  hoos u dhigtaa xaaladaha walwalka iyo degenaanshiyo la;aanta ee qofka la soo gudboonaada.

2-   Aloe vera

     Waxa la isticmaalayey wakhti aad u fog, waxaanu dawo ka yahay timo daadashada.

Waxa kale oo loo adeegsadaa madaxa si loo yareeyo xaladaha la soo gudboonaada sida cun-cunka.
Waxa uu yareeyaa toxobta madaxa, waxa kale uu dib u furaa daloolada timaha ee xidhmay, waxa la soo jeediyaa in isbuucii hal mar la isticmaalo, iyada oo shaamboo lala isticmaalyo.


      Saliida qunbaha waxa ku jirta fatty acids, waxay awood u leedahay inay si toos ah u dhex-gasho halka ay tintu ka soo baxdo waxaanay yareysaa yaraanshaha proteinada mihiimka u ah timiha, waxaanay ka hortagtaa daadashada timaha.

 Saliida qunbaha waad isticmaali kartaa ka hor am aka dib marka timaha la maydho, balse waxay ku xidhan tahay nooca timahaagu yihiin.

Waxa jira baadhitaano caalami ah oo sheegaya in isticmaalka saliida qunbuhu ay qeyb ka tahay timaha bixitaankooda, waxaana dawo ahaan iyo in lagy qurxiyo timaha loo isticmaali jiray qarniyo.

4-   Viviscal

     Waa maado dabiici ah waxaanay ka qeyb qaadataa dib u soo bixida timaha daata ama go’a, gaar ahaan dadka ay timahoodu ay unugul yihiin daadasha ee ay qafiifka yihiin ama ay jilicsan yihiin.

Waxa ku jirta AminoMar C oo sare u qaada soo bixitaanka timaha, waxay xoojisaa jiritaanka unugyada iyo inay dib usamaysmaan haddii ay dhaawacan yihiin.

Waxa la qaataa muddo lix bilood ah adoo maalintii qaadanaya laba xabo oo kiniinka laga sameeyey ah sia aad natiijo u aragto.

Waxa kale oo laga sameeyey shamboo iyo kondhiishineer.

5-   Saliida Kaluunka

     Omega-3 Fatty acids oo laga helo kaluunka waxay inaga cawinaysaa in timuhu ay helaan nafaqo iyo borotiino ku filan.
Qaadashada Omega oo ay ku jiraan antioxidants waxay faa’ido u tahay helitaanka timo qaro iyo dhumuc leh.

Waxay hoos u dhigtaa timo daadashada. Omega fatty acids, waxay kaa caawinaysaa inay si sax ah u shaqeeyaan unugyadu, waxay
sare u qaadaa difaaca, waxnay wanaajiyaan guud ahaan caafimaadka timaha.


Qaadashada dawooyinka laga sameeyo Ginseng, waxay horumarisaa bixitaanka timaha waxaanay dar-dar gelisaa halka ay tintu ku taalo inay si fiican u shaqayso.    

Maadada Ginsenosides, waxay saameyn wacan ku yeeshaan timaha.


 Waa mid faa’idooyin wax ku ool ah leh, waxa la arkay inay in basasha la miiray ay waxtar ka noqotay timaha daata ama go’a gaar ahaana bidaarta waxay sare u qaadaa bixitaanka timaha.

Sidoo kale basasha la miiray waxay ka qeyb qaadataa dhiig wareega.
Tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu xaqiijiyey inay timaha daadta ay dib u soo bixi karaan haddii la siticmaalo.

Mari meelaha ay timuhu ka daateen, una daa muddo 15 daqiiqo ah, kaga maydh, shaamboo.


     Waa mid ka mid ah saliida ugu badan ee ay dadku u isticmaalaan si ay uga caawiso koritaanka timahooda, hoosna ugu dhigto daadashadooda.
Saliida Rosameeri waxay kaga shaqaysiisa sidii timo cusubi u soo bixi lahaayeen, waxa sidoo kale loo siticmalaa in lagu daweeyo nooc ka mid ah bidaarta (androgenetic alopecia)


     Isticmaalka saliida geranium waxay dib u soo celisaa bixitaanka timaha, waxaanay sare u qaada qul-qulka dhiiga.
Saliida geranium, waxay kaa caawinaysaa helitaanka timo qaro leh, nafaqaysan iyo inaad dib u soo celinta timahaagii.

10-              Liin-dhanaanta

     Waxaad isticmaalki kartaa liin la miiray ama saliida laga tuujiyo liinta waxay sare u qaadaa tayada timaha iyo bixitaankooda, waana sabata loogu daro shambooyada iyo saliidaha aynu isticmaalo.

Saliida liintu, waxay inaga caawinaysaa, caafimaadka madaxa iyo inay timuhu u soo baxaan si caafimaad qabta.


©Copyright Daryeel-Caafimaad


No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo