Sida Ugu Fudud Ee Dhididka La Isaga Daweeyo


jidh Dhidid


      Dhab ahaantii waa mid adag tahay in la fahmo, waxaanay sababtaa jaah wareer inta la darsayo. Sidoo kale ka hadalkeedu caadiyan maaha mid khibrad  laga haysto gacmo dhididku.
Waana mid kugu abuurta qajilaad iyo waji gabax, marka aad qof gacan qaadaysid, waana meelaha lagu tiriyo in gacmo dhididka la isugu soo gudbiyo.
Haddaba mawduuceena maanta ayeynu kaga hadlaynaa, sida ugu fudud ee looga hortago, isla markaana loo daweeyo gacmo dhididka.

Maxaa Sabab U Ah Gacmo Dhidid

   Badanka dadka leh, gacmo dhididka, waxa la arkaa xilliyada ay ku jiraan xaaladaha war-warka., baqdinta, marka uu sareeyo heer kulka jidhkoodu, iyo marka ay qabanayaan haw lama shaqo.

Tusaale ahaan, marka ay buur fuulayaan,amaba ay wax awood u baahan ay sare u qaadayaan.

Dhamaan ficiladani waxay sare u qaadaan xaaladaha degenaanshiyo la’aanta ah, sida marka uu sare u kaco heer kulka jidhku, waxaana soo daaya qanjidhada qaabilsan si hoos loogu dhigo heer kulka jidhka, balse nasiib daro calaacalaha/baabacooyinka ma dhaafo, taas ayaan keenta in dhdid fara badan lagu arko.

1-  Dhidid Qalajiye

Dhidid qalajiyaashu waa habka ugu sahlan kaas oo dhab ahaantii si dhakso ah u joojin kara dhididka.

Waa mid waxtar  leh isla markaana si fudud loo heli karo.

Dhidid baabiiyuhu, wuxuu ka shaqeeya isla mar ahaantaa uu awoodaa in uu xidho, ama yareeyo, daloolada dhididku uu ka soo baxo.

Waana natiijada, taas oo yareynaysa xadiga dhididka ah ee baabacooyinka ka dib marka la mariyo.


2-  Alkosha Gacmaha

Haddii aad u baahan tahay inaad si deg deg ah meesha uga saarto, gacmo dhididka,isticmaal alkoosha la mariyo gacmaha dabedeedna ku xoq calaacalahaaga.

3-  Bootarka Caruurta

Bootarka caruurta la mariyo waxa uu nuugaa waxyaabaha dareeraha ah, sida dhididka.
Sidaa darteed, waxa la soo jeedinayaa mar kasta oo aad dareento dhididka gacmaha inaad isticmaasho qadar yar oo aan badnayn oo ah bootarka caruurta.

4-  Biyo Badan Cab

Cabitaanka xadi aad u badan oo biyo ah, maalinta oo dhan.
Waxay kaa dhigaysaa qof ka bad-qaba xaaladaha biyo yaraanta, waxay hoos u dhigaysaa heer kululka jidhka, waxaanay kaa caawineysaa hoos u dhigida dhididka faraha badan.



Gacmo Dhidid


5-   Baking Sodha

Baking Sodha waa alkali dabiiciyan, sidaas oo ay tahay wuxu dawo wax qabad leh u yahay gacmo dhididka.

Iyadoo la isku qasayo laba ama saddex qaado/malqacadood oo ah bikinka ah, laguna darayo biyo diiran muddo 30 daqiiqo, iyadoo la isku xoqaayo gacmaha si wada jir ah, wuxu ka dhigayaa ku qalalan oo aan lahayn wax dhidid ah.

6-   Biyaha Qabaw

Dhex geli gacmahaaga dhididka leh biyo qabaw, biyaha qabaw una daa qadar 15-20 daqiiqo ah maalintii.
Waxa la hubaa in habkani wax ka tarayo dhibta kaa haysata gacmo dhididka.

7-  Liinta

Liinta waxa loo isticmaalaa siyaabo badan waxaana loo adeegsan karaa si loo xadido dhibaatada gacmo dhididka oo ay ku jiraan luguhu.
Soo qaado diirka liinta, qalaji, isla markaana ka dhig budo, waa hab la tijaabiyey oo dawo ka noqon kara gacmo dhididka.

8-  Tufaaxa

Khalka laga tuujiyey midha tufaaxa mari gacmahaaga, tan iyo inta ay ka qalalyaan.
Intaa Ka dib biyo kaga maydh, habkani wuxu kaa caawinayaa inuu adkeeyo daloolada maqaarka, waxaanu yareynayaa dhididka.

Waana mid loo baahan yahay in la sameeyo maalin kasta.

9-  Tamaandhada/Yaanayada

Tamaandho/Yaanyo la miiray waxay leedahay saameyn ah inay jidhka ay qaboojiso, waxaanay awood u leedahay inay  yareyso dhididka.

Cab iyada maalin kasta ama dhex dhig gacmahaaga oo  mari tamaandho la miiray.
Waxa kale oo ku jirta Sodium, taas oo kaa caawinaysa in gacmahaagu ay noqdaan kuwo qalalan oo aan lahayn wax dhidid.

10-             Cuntada

Marka laga hadlaayo sida loo yareeyo dhididka waxa haboon in meelo badan laga eego, waxaana ka mid ah cuntada.

Waxa hubaal ah in cuntooyinka qaarkooda ay sabab u noqon karaan inaad sameyso dhidid badan kuwaas oo ay ka mid yihiin cuntooyinka lagu daro waxyaabaha kulul.

Si loo yareeyo dhididka waxa lagama maarmaan ah inaad ka fogaato cuntooyinkaas.


                                      ©Copyright Daryeel-Caafimaad

No comments:

Post a Comment

Dhabar Xanuunka Iyo Sida Loo Daweeyo