Daryeel Caafimaad
Maxaa sababa maqaarka saliidda leh?
![]() |
Maqaarka |
U fiirso in maqaarkaagu uu
iftiiminayo wax yar oo dheeri ah? Xaqiiqdu waxay tahay, qof walba maqaarkiisu
inuu saliid leeyahay. Mid kasta oo ka mid ah daloolada dubka/maqaarka, waxaa ku
jira qandho kala duwan oo soo saara saliidaha dabiiciga ah ee loo yaqaan 'sebum'.
Tani waxay kaa caawineysaa inay ka
hortagto qaleylka maqaarka iyo sare u qaado caafimaadkiisa.
Hase yeeshee Dadka qaarkood, qanjidhada
maqaarku waxay soo saari karaan saliid aad u badan. Tan, ayaa abuurta maqaarka
saliid leh.
Waad ogtahay inaad leedahay maqaar
saliid leh haddii maqaarkaagu had iyo goor uu ka muuqdo dhalaal. Maqaarka
saliida leh xitaa wuxuu dareemi karaa qofku dufan saacado gudahood marka la
nadiifiyo.
Sababaha keena maqaarka saliidda leh,
waxaa ka mid ah hidda-sidaha, deegaanka, iyo qaab
nololeedka qofka.
Hadaba, halkan waxaynu ku soo gudbin
doona, siyaabaha maqaarka saliida/ dufanka leh loo xalin karo oo ku salaysan
daraasado la qaaday.
1. Hidaha
Maqaarka saliida leh ayaa ku badan
qoysaska qaarkood.
Haddii mid ka mid ah waalidiintu ay leeyihiin
saliidda maqaarka , waxaa suuragal ah in ubadkooduna ay yeeshaan qanjidhada
saliida kuwaas oo si aad u daran ama xad-dhaaf ah, u soo saara, saliida
maqaarka. Waana mid uu sabab u yahay hide-siduhu.
2. Da’da
In kasta oo aanay mid qasaba ah
maqaarkuwux u soo saara dufan, maqaarkaagu run ahaantii, wuxuu soo saari doonaa
sebum ka yar intii hore mar kasta oo da’da qofku ay korodho.
Maqaarku xilliga gabowga waxa uu lumiya borotiinka, sida collagen, qanjidhada saliidana shaqadoodu hoos ayey
u dhacdaa.
Tani waa sababta dad badan oo da’da
ah ay u yeeshaan maqaar qallalan.
Waxaana laan-laabma maqaarka, gaar ahaan wejiga.
Faa'iidooyinka maqaarka dufanka leh
waa in aanay muuqan calaamadaha gabowga.
3. Deegaanka
In kasta oo hiddaha iyo da'da ay ka
qeyb qaataan sababaha keena maqaarku inuu saliid yeesho, balse, meesha aad ku
nooshahay iyo waqtiga ayaa sidoo kale isbadal kugu sameyn kara.
Dadku waxay u muuqdaan inay leeyihiin
maqaar saliid leh xilliga cimiladu kulushay iyo weliba xilliga huurka.
In kasta oo aadan awoodi karin inaad iska
qaado ama aad gebi ahaanba meesha ka saarto maqaarka saliida leh , haddana, waxaad
hagaajin kartaa howlahaaga maalinlaha ah inta lagu guda jiro maalmaha kuleylka
badan iyo huurka adoo adeegsanaya waxyaabaha dhididka yareeya, waa hab saliida
wejiga loo yareyn karo.
4. Daloolada Maqaarka
Mararka qaar daloolada maqaarka ayaa fida
mar kasta oo ay koradho da’du. Daloolada maqaarka ee waaweyn sidoo kale waxay u
muuqdaan inay soo saaraan saliid badan.
Ma awoodi kartid inaad soo ururisid
daloolada maqaarka, laakiin waxaad taxaddar dheeraad ah gelin inaad masaxdo
meelaha wejigaaga ah ee ay saliidu ku
taalo maalinta oo dhan. Waana xal saliida maqaarka hoos loogu dhigi karo.
5. Isticmaalka Kiriimyo
Khaldan
Maqaarka saliida leh ayaa sidoo kale
laga qaadi karaa iyadoo la adeegsanayo kiriimyada maqaarka ee sida khaldan loo
isticmaalo.
Dadka qaar waxay ku khaldaan xaladaha
maqaarka sida maqaarka qalalan iyo maqaarka saliidda leh, waxayna isticmaalaan kareemo
aad u culus, tusaale ahaan.
Adeegsiga badeecada daryeelka
maqaarka ee saxda ah waxay ku sameyn kartaa farqi aad u weyn xaddiga saliidda
ku hadha wajigaaga.
6. Daryeelka dheeriga
ah
Dhinaca kale, weji maydhista ama wax
ismarmarin badan sidoo kale maqaarkaaga waxay u samayn kartaa saliid.
Tani waxay sababi kartaa qanjidhada
maqaarka ee saliida soo saara ee sebaceous glanka loo yaqaano, inay galaan
xaalad deg-deg ah, waxay soo saaraan saliid badan si ay unugyadda maqaarka ay
dib ugu dhisaan.
Waxaad u baahan tahay oo keliya inaad
maydho maqaarkaaga laba jeer maalintii si aad saliidda xad-dhaafka ah u
ilaalisid.
7. Dacarta
Dacarta/Aloe
vera, waxay caan ku tahay gubashada iyo in lagu daweeyo xaaladaha kale ee
maqaarka.
Sida
laga soo xigtay daraasado Caafimaad, waxaa jira caddaymo ku salaysan oo xagga
sayniska ah oo muujineysa inay ka caawineyso daaweynta maqaarka jajaban ama
dildilaaca oo ay sababaan finanka iyo saliidda wejigu.
Dad
badani waxay u isticmaalaan Dacrta, inay ku daaweeyaan maqaarka saliidda leh.
8- Malabka
Malabku,
waa mid ka mid ah daawooyinka maqaarka ee aadka loo isticmaalo.
Wuxuu
ka hortagaa bakteeriyada iyo jeermiska, waa mid faa'iido u weyn u leh saliida iyo finanka nugul ee maqaarka. Malabku
sidoo kale waa mid dabiiciya oo guriga lagu isticmaali karo.
Si aad
u isticmaashid malab si aad u daaweyso finanka iyo saliidda maqaarka, mari xadi
yar si qafiifa una daa illa 10 daqiiqo, intaa ka dib biyo diiran kaga maydh.
9- Wer-werka
Ma
ogaatay in maqaarkaagu saliid leeyahay marka heerarka walaaca ama wer-werku uu
kordho? Tan waxaa ugu wacan kororka 'Cortisol' - hoormoonka walaaca ee jirka,
kaasoo dardar gelinaya soo saarka saliida maqaarka.
Waxaa
talooyin caafimaad lagu soo jeediyey inaad yareyso heerka wer werka, si hoos
loogu dhigo saliida badan ee wajiga.
10- Ukun cad iyo liin
Ukunta/beedka
qeybta cad iyo liin dhanaanta ayaa ah dawayn wax ku ool u ah maqaarka saliid
leh.
Labada
maaddadoodba waxay si weyn wax uga taraan adkeynayta daloolada maqaarka.
Aashitada/aysiidha
ku jirta liinta waxay gacan weyn ka geystaa nuugista saliida maqaarka.
Sida
lagu xusay daraasad la sameeyay sanadkii 2008, liinta ayaa sidoo kale leh
awooda ay kaga hortaggi karto bakteeriyada.
Si kastaba ha noqotee, daaweyntani maaha
doorasho wanaagsan oo loogu talagalay dadka qaba xasaasiyadda beedka.
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Muuqaalka Kelyaha Dhagaxaanta kelyaha asal ahaan waa macdano iyo milixda, badanaana kuwaasi guud ahaan waa kalshiyam osilate...
-
T imahaagu waa shaki la’aan inay yihiin taashka quruxda, waa mid caadi aha haddii aad dooneysid inaad horumerisid, balse ...
-
Celcelis ahaan waxa qofka u kordha sannadkiiba hal ama laba pound oo u dhiganta hal kilogram oo dhinaca miisaanka ah. In kasta ...